Wacnaydee Allahayo, Wadar Lagu Heshiiya,Intaan Weeraradu Dhicin.

0
Tuesday August 16, 2022 - 09:20:20 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 689
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wacnaydee Allahayo, Wadar Lagu Heshiiya,Intaan Weeraradu Dhicin.

    W/Q: Ismail Abdillahi Handuleh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Ismail Abdillahi Handuleh


Bismilaahi Alraxmaan Alraxiim[A.S.C.W.R.W.B],

 

Tu khaas ahna bahda H/W iyo akhristayaasha.

 

 

 Weynaati idinkuyo haddana,Waali socotaane,

 

Waantoobi maysan colaadba,Weel u culateen,

 

Wiilashiina ka ilaashadun,Waramo dhiigaysan,

 

Weerarada sokeeye ha barin,Wadhida guudkina,

 

Wkhtigiini waad qaadateen,Weliba dheeraad leh,

 

Weerba haweenkaw xidheen,Weerarkii shalayto,

 

Wadka way u simanyin dadkuyo,Weecin karimayno,

 

Wiilasha dhashenba qudhqudhin,Soniyo waabayda,

 

Weynahen haddaad garanaysan,Wadar ma diideen,

 

Wacnayde intaan weerar dhicin,Weheshi xaajoodku,

 

Waanwaantu waa weelka nabad,Waafi noqodkeeda,

 

Wiilala iyo walaala dhintayo,Weertay kii dhalayna,

 

Wadadaad marteen waa hora,Waali lagu guuray,

 

Wanaag yaa ka dheefay tolow,Wadhiseyay raacday,

 

                   Ismail Abdillahi Handuleh


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...