Taariikhda Waa La Samaystaa Ee Iskama Timaado!. W/Q: Mukhtaar Maxamed Muuse (Dawlad).

0
Tuesday August 16, 2022 - 09:16:26 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 912
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taariikhda Waa La Samaystaa Ee Iskama Timaado!. W/Q: Mukhtaar Maxamed Muuse (Dawlad).

    "Ogsoonaada Taariikhda Waa Laga Qaataaye".

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Ogsoonaada Taariikhda Waa Laga Qaataaye".

 Beryahan danbe Somaliland tii yarayd ee lagu majiiran jiray barakada iyo bilkaydka Nabadda, Dimoquraadiyada iyo Deganaanshaha Siyaasadeed waxa ka aloosmay xasarado iyo xoogag is huwan oo uu saldhig u yahay; khilaaf iyo kharibaad qaloocda oo aan loo meel dayin!. Somaliland waxa ay ku caano maashay; is-dhegaysi, isu tanaasul iyo is ogol go'aamo wada jira lagu gaadhi jiray, kuwaas oo dalka iyo dadkaba dan iyo dugaashi duleed iyo dareen hoose ba u noqon jiray. Taas baa ahayd filka iyo gu'ga roon ee Soomaalida inteeda kale ku majiiran jirtay Somaliland. Waana sida uu sheegay; madaxwaynaha Soomaaliya oo baaq nabadeed oo laga baaqsan kari lahaa ku wacdiyay siyaasiyiinta reer Somaliland iyo waxgaradkaba!. allow Alle.

 

Khilaafkan Somaliland ka aloosmay ee cirka madaw isku shareeray; waa mid gacan ku samays ah oo uu alifay; Mu'alifka khilaafaadka iyo ku jiq-siida ka yaqaana siyaasadda ee Madaxtooyada Somaliland fadhiya iyo inta ka hoos shaqaynaysa ee uu Gudoomiye Xirsi Cali Xaaji Xasan ku sheegay koox Saaqidday oo uu hoggaaminayo Saaqidka wayn ee Boqortooyada u eekaysiiyay Somaliland "Naanaabiin". Waaba haddii laga yeelee!. Sanadkii tagay, iyada oo dalku jiho wanaagsan iyo deganaansho siyaasadeed ku socdo, isla markaana loo gaban-gaabsanayo doorasho madaxwayne oo dastuuri ah; ayuu Kornayl Muuse Biixi Saacadda wareejiyay oo dhanka waalida iyo wacdi qaadasho la'aanta u leexday. Isaga oo qaaday jid wada qodxo iyo wada qansax ah.

 

Taas baa abuurtay waxa hadda taagan iyo suura xumada Somaliland ka jirta, iyada oo la wada arko cawaaqibka iyo cidhib la'aanta ay Askartu Jamhuuriyaddii barakaysnayd kula caarideen. Hadeer, Somaliland Waxa ay taagan tahay xeeli wada xayaabo iyo xashiish ah, taas oo ay u baahan tahay Nin karmeed iyo Hanad ka samata-bixiya bohosha, baylahda, sursuurta oodan iyo sakashada ay bahalaha u gashay!.

 

Tan iyo intii uu khilaafkani istaadhmay Somaliland waxa badbaadinteeda, saxal-tirkeeda, xalka, xuluusha iyo sulux ku dhamaynta kacdoonka siyaasiga ah ee ka dhex abuurmay Xukuumadda taladda haysa iyo Isbahaysiga Mucaaradka ah ee Somaliland; u istaagay Waxgaradka, Odayaasha dhaqanka, Culumada, Ganacsatada, shirgudoonka labada aqal iyo bulshada rayidka ah. Dhammaantood waxa ay kasoo istaageen; faro madhan iyo xal la'aan. Waxa la isku hayana waa wax la wada garanayo oo daahir iyo daw cad ah. Inkasta oo ay jiri karaan waxyaabo bulshada aan jilitaanka siyaasadda liisan u haysan ama aan xeedhada fadhiyin ay wax ka qarsoonaan karaan!.

 

Haddaba, waxa aan si toos ah ula hadlayaa; Madaxwayne kuxigeenka Somaliland mudane, Cabdiraxmaan Saylici oo ah oday muctarif ah oo waayo badan usoo shaqeeyay qarankan Somaliland. Mudo aan ka yarayn 12 sano ayuu madaxwayne kuxigeen ka ahaa xukuumaddihii kala dambeeyay ee Kulmiye sidoo kalena mudo 8 sano ku dhaw buu Mucaarad soo ahaa. Markaa saw ma haysto waayo'aragnimo baaxad leh iyo wax sheegmo dhug leh?. Jawaabtu waa Haa. Waxa aynu wada ogsoon nahay in aanu jaanis danbe oo madaxwayne-nimo ku lahayn xisbiga kulmiye ee talada dalka hayay labadii wareeg ee u danbeeyay. Sababtuna waa tane dhugo; isaga oo nool oo madaxwayne kuxigeen ah, isla markaana qaabdhismeedka xisbiga kulmiye ka mid ah ayaa hal maalin laga talaabsaday oo nin kale oo aan xisbiga ri' gees uga soo ridin lagu buuxiyay halkii uu Cabdiraxmaan Saylici kaga jiray haykalka xisbiga kulmiye. 

 

Waxa aan leeyahay, mudane, madaxwayne waxa aad haystaa maanta fursad qaali ah oo aad dalka ku samata-bixiyso, adiga oo talada ugu macquulsan iyo tilmaanta saxda ah siinaya odayga aad dalka wada maamushaan mise kaligii baa maamulaba tolow?. Mudane  madaxwayne Adeero taariikhda waa la samaystaa ee iskama timaado!. Alla maxaa ka murti iyo maax badan; odhaahda dhiirigalinta ah ee tidhaahda " Adoo taariikh reebi kara, ha noqon dhinte aan la tebin". Waxa maanta hortaada taalla jaanis aanay cidi kula lahayn, kaas oo aad kaga badheedhi karto in aad dalka kusoo celiso gacanta deganaanshaha, dhegaha is maqalka iyo aragga fayow ee caafimaadka qaba. Sidoo kalena kasbanaya dareenka bulshada reer Somaliland ee u oomman go'aan masiiri ah oo siyaasadda iyo noloshaba deganaansho loogu soo dabaalayo.

 

Waxa aad Kornaylka aad madaxwayne kuxigeenka u tahay hor dhigi kartaa cidhib xumada uu leeyahay arrinkani!. Adiga oo istaagaya dalka doorashada madaxwaynaha ee dastuuriga ah u qabo, haddii aanad u qabanayn oo ay cilad farsamo jirtana, xisbiyada mucaaradka ah la gal; Heshiis is ogol ah oo qolo waliba ku qanacdo doonisteeda iyo danta dalka iyo dimoquraadiyada casriga ah iyo ilaalinta dastuurka bulshadu ku heshiisay iyo ilaalinta sharafta iyo karaamada bulshadan nabadda iyo xasiloonida ku wada nool. Iyada oo ay qabaan baahiyo waawayn oo ay keentay; Maciishada oo kor u kacday, abaaro baahsan iyo duruufo dhaqaale.

 

Mudane, madaxwayne waxa aad maanta gacantaada iyo go'aankaaga ku samaysan kartaa taariikh aan duugoobi doonin oo lagu tixgalin doono. Mudane madaxwayne haddii aad taladan qaadato Waxa aad gu'gan googooska taariikhda ku xardhan doontaa baal dahab ah oo ay rag badan oo kaa danbeeyaa higsan doonaan, ay kugu daydaan oo kaaga ergistaan go'aamada masiiriga ah ee maanta oo kale loo baahan yahay in uu gaashaanka u daruuro ninka raga ah ee masuuliyada iyo hoggaanka bulshada ahi. Mudane madaxwayne Adeero waxa aad gu'gan tolan kartaa; shaati xariir ah oo bulshaduna dareen togan, sumcad iyo karaamo kugu hayaan, taas oo geed walba lagaga salaamo oo lagaaga kaco. Mudane madaxwayne waxa aad gu"gan qaadan doontaa bilad sharaf iyo wax aan ragu wada heli karin ee maad ka faa'idaysan oo maad qaadan go'aankaa murta ka qadhaadh!. Si aad diwaanka u gashato taariikh nool oo laga dab qaato!.

 

                Taladan dahabiga ah ha la gaadhsiiyo duqa madaxwayne kuxigeenka Somaliland mudane Cabdiraxmaan Saylici.

 

W/Q: Mukhtaar Maxamed Muuse (Dawlad).

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...