Muuse Biixi Oo Xilkii Ka Qaaday Gudoomiye Ku Xigeenkii G. Sanaag Badelkiisiina Magacaabay

0
Monday August 15, 2022 - 22:58:46 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1337
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi Oo Xilkii Ka Qaaday Gudoomiye Ku Xigeenkii G. Sanaag Badelkiisiina Magacaabay

    WAREEGTO MADAXWEYNE: 15 /08/2022

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

WAREEGTO MADAXWEYNE: 15 /08/2022

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadeedu kala tahay JSL/XM/XKQ/222/1-921/082022 iyo JSL/XM/WM/222-922/082022 uu xilka qaadis iyo magacaabid ku sameeyey Guddoomiye Ku-xigeenkii Gobolka Sanaag.

 

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis.

 

Ku: Maxamed Khaliif Nuur;

        Guddoomiye Ku-xigeenkii Gobolka Sanaag

 

Mudane,

Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad u haysay Qaranka.



Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad u shaqaysay Qaranka.


Ujeeddo: Magacaabid.

Wareegto Madaxweyne


Magacaabid


Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa iyo Waaya-aragnimadiisa;

Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Markaan Sameeyey:  La-tashi;


Waxaan Go’aamiyey;


In Jaamac Maxamuud Warsame laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Sanaag ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.


Loading...
Loading...