Shalay Waxa Hadlay Nin Aanu Ilmaader Nahay Oo Ma Gudbe Ah

0
Monday August 15, 2022 - 17:45:32 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1256
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shalay Waxa Hadlay Nin Aanu Ilmaader Nahay Oo Ma Gudbe Ah

    "Eng Sakariye Abdi Ismail (Sakariye Suldaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Eng Sakariye Abdi Ismail (Sakariye Suldaan

Shalay waxaa hadlay nin aanu ilmaadeer nahay oo aanu u naqaano ma gudbaha siyaasadda oo mudo lix sadanadood ah kursi aanu reerkiisu geyin oo wasiir kuxigeen ah ku fadhiya nin aan karaamo ku laheyn deegankiisa oo warkiisana aan xitaa laba qof is weydiin iskadaa mashruuc uu ka fuliyo deegankiisa hawdka iyo tuuloyinkiisa sida  Masaajidka,cunaqabad,gumburaha, baargoo iyo magaalo xaali kaaga sii darane xitaa waxaaney heysan ayuu idhaa way haystaan madaxweyne, waa leyliga yar ee jaanbaradka ah ee isleh ceyda raga milgaha iyo sharfta ku leh siyaasadda somaliland ku xejiso kursiga yar ee fadhiidka ah.



Shalay bay ahayd markii uu weedhaha xanafta leh ku tuurayey gudoomiyaha golaha wakiiladda JSL mudane Abdirisaaq Khaliif  oo ah masuulka saddexaad ee ugu sareeya somaliland oo dhan kuna subtan odaytinimo iyo isku soo dhawaynta ummada somaliland 


Maantana wuxuu isku qaaday nin deegankiisa kaga waxqabad badan waa gudoomiye Xirsi Cali Xaaji Xasan oo laba jeer wadada Balligubadle kaga qayb qaatay ku dhawaad 1Milyan  oo doolar nin xawligiisa iyo xawaaraha siyaasade ee uu ku socdo aan waxba laga qabankarin, gudoomiyihii hore ee mid kamida shirkadaha ugu waa weyn wadanka, wasiirkii hore ee madaxtooyadda ahaana (Chief of cabinet-ka),Hogaamiyihii hore ee xisbiga rajadda shacabka somaliland ee waddani ,gudoomiyaha ugu saameynta badan intii somaliland jirtay ee xisbi yeesho khaliifka siyaasadda somaliland hankiisa iyo majarihiisuna yahay madaxweynaha 7-aad ee ku xiga Dr Abdirahman Mohamed Abdilaahi Cirro nin leh Astaamihii Abubakar binu sadiiq Xirsin Cali Xaaji Xasan.


Liibanow inadeer waxaan ku leeyahay  nin aydaan is gaadheyn ceydiisu wax aliyaaliyo wax ay kuu taraysaa ma jirtee ha ku habsaamin waa la noolaan doonaye.


Waxa qoray Eng Sakariye Abdi Ismail (Sakariye Suldaan) Oo kamid ah Saraakiisha golaha dhexe ee xisbiga waddani

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...