Wasiir Cali Mareexaan Oo Shaqadii Ka Eryey Madaxii Xafiiska Dadweynaha Oo Dhambaal Tacsi Ah U Diray Eheladii Dadkii Lagu Laayey Mudaharaadka
Wasiir Cali Mareexaan Oo Shaqadii Ka Eryey Madaxii Xafiiska Dadweynaha Oo Dhambaal Tacsi Ah U Diray Eheladii Dadkii Lagu Laayey Mudaharaadka
Wasiirka
Biyaha ee Somaliland Ali Mareexaan ayaa shaqadii ka eryay Madaxii
xiriirka dadweynaha & saxaafadda Wasaaradaasi Jamaal Abdirahmaan,
kaddib markii uu Mr Jamaal tacsi u diray dadkii Korneyl Biixi &
Kaahin ku laayeen banaanbixii salmiga ahaa ee Khamiistii ka dhacay
Somaliland.
Sarkaalkan
ka tirsanaa Wasaaradda Biyaha ee maanta la caydhiyay ayaa hayb ahaan
kasoo jeeda qoyska Abdiraxmaan Cirro, wuxuuna ii sheegay in Wasiir Cali
Mareexaan ku amray in uu tacsida ka saaro Facebook-giisa shaqsiga ah
balse isaga damiirkiisu siin waayey in uu sidaa sameeyo.
Jamaal,
oon telefoon ku wada xiriirnay wuxu tilmaamay in Wasiirku kala wareegay
qalabkii & xafiiski kuna yidhi u shaqo tag gurigiini halkan masii
joogaysid ee.
Loading...
Loading...