Siyaasiga Soo Xanaaqay Aynu Ula Dhaqano Sida Oorida Soo Carootay
Siyaasiga soo xanaaqay aynu ula dhaqano sida oorida soo carootay
Horta
siyaasigu wax kale maahee waa ina hebel hebelkii ina ka dhashay ee aynu
geela wada raaci jirney ama kubbadda wada ciyaari jirney oo halka ragga
qaarki ganacsi ama xammaal galeen isagu siyaasadda galay. Siyaasadda
marka la galo ama madax la noqdo qof kale lama noqdo, rooxaan gaarana
siyaasiga kuma soo degto ee nin walba wuxuu siyaasi ku noqonayaa wixii
uu awal ahaa ee aad ku taqaaney ee ah caqli, aqoon, khibrad, daacadnimo,
karti iwm.
Haddii uu markiisii hore wanaag lahaa way ka soo bixi
doontaa, haddii xumaan lugubyaqaanayna siyaasadu way usii kordhinaysaa.
Siyaasigu marka uu xildhibaan noqdo ama xukuumadda wasiir ka noqdo ama
uu jaal la yahay wuu ku faraxsan yahay, beesha iyo deegaanka uu ka
soojeedana wuu u ammaanaa oo ku qanciyaa innlabtaageero lkn markii wax
isbadalaan ee uu jagada waayo ama ay albaabka ka xirato qolada talada
haysa ayuu tolka kula soo dhexdhacaa qaylodhaan, geelii la qaad iyo
tolka wax looma ogola!!. Kaaga darane markaa uu cabashada wado ee uu
tolka kicinayo kuma gaabsado ragga ay is-hayaan ee wuxuu u tillaabaa
qabaa'ilka ay ka dhasheen ama deegaanada ay ka soojeedaan, wuxuuna soo
faagaa loolanadii taariikhda soo dhexmaray labada reer iyo geelashii la
kala qaaday; si uu warma-qabtada u dagaalgaliyo oo ay u gaadaan ama u
miraan warma-qabto kale oo masaakiin ah.
Haddaba waxgaradka Soomaaliyeed
waxaa la gudboon inay siyaasiyiinta beelohooda labo goorba ka
digtoonaadaan, bulshadana uga digaan:
1. Marka hore ee ay
guulwadaynayaan ee ay xukuumadda iyo hoggaankeeda awliyada inooga
dhigayaan yaan indha la'aan lugu dabagalin ee si miyir ah danaha dalka
iyo ummadda ha loogu taageero.
2. Marka dambe ee ay qaylodhaanta iyo
tol-beelayda ina kula soo dhex-dhacaana yaynaan hawtalhamagnimo ula
gurman ee aynu ula dhaqano sida afo (soo carootay). Afada soo carootay
waxaa jira arrin gaar ah oo markaas kicisay, kuna bixisay inay reerkeeda
ka tagto laakiin markii dhexdhexaadin la galo ee gartaada sheego lugu
dhoho waxay tirinaysaa tan iyo markay ninkaan is guursadeen wixii
dhexmaray ee lagama yaabo inay mushkiladda hadda taagan kaliya kuu
sheegto.
Ninka garta qaadaya isagaa laga rabaa in uu gabadha hadalkeeda
kala dhex boxo qodobada hadda taagan ee u baahan in la xalliyo laakiin
haddii uu dib u raaco 20 sano ka hor wax soo dhexmaray mushkiladuna ku
xallismi mayso, iyadana wixii hadda kiciyey oo gubayey maaha.
Haddaba
waxaynu u baahanahay marka siyaasi soo carooday uu qaylodhaan ina kula
soo dhex dhoco in aynaan dhag-jalaq u siin eedaha, wararka tirada badan
iyo taariikhihii hore ee uu soo qufay ee waxgaradku hadalkiisa ha kala
dhex bexeen waxa hadda u daran ee uu ka eedsheeganayo, hana lala xalliyo
hadday suurtagal tahay, dadka uu kicinayana ha loo sheego in odaygii la
aamusiyey oo aan balaayo jirin.
Gabagabadii uma diidanin in siyaasiga
la yara caawiyo marka uu tolka soo muto laakiin waa in aynaan xadgudub
ku caawin, tolkana aanu ku beerin cuqdad iyo nacayb aan jirin oo ummadda
kala geynaya.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...