Sireey Soo Caad Oo Sadexdda Ha Gaadhin (Abdi-Shotaly).
Boog baa barakii is qabsaday,
oo ay hurgumaddii ka buuxday iyo
malaxddii dhaan-sanayd, ay xadkii ka baxday isla qaraxday, iyadda oo
bogga hoose iyo beerka ka dilaacday, oo ay hadda qudhunkii ku huursnaa
dariiq-yadda qulqula-yaan, qarsoomi wayday, cid joojisana wayday, wax
qaban karaana aanay jirin, beentii kolba si loo sheegaayey ay xadh-kaha
soo goosatay, wixii ummadan lagu akhriyi jirey soo gabaga-boobeen,
runtii oo ooda-heedda wadataa albaabadda ka soo gashay, iyaddoo dhoosha
ka qoslaysa, guul ku geeraaraysa, af buuxa ku tidhi beeneey calankaa
jab, dhaaxaad raad gadataye, oo dibin dhawr ahayde, dulmiggii kibirka
ahaa iyo khiyaaliggii shacabka lagu wadna jaray, ay iilkii xabaasha
isugu yimadeen, haday is waydiin-ayaan, Xagee inkaartu idin kaga
dhacday? Maxaa kashifay siyaasaddii indiin qarsoonayd? Sir-tiinii maxaa
banaanka keenay? Maxaa furfuray munaafaqaddii heshiiska lagu ahaa? Isku
soo duuboo, somalidu waxay tidhaahdaa " Sireey soo caad oo sadexdda ha
gaadhine" dhanka samadda baa Rabigeen ka kala daadshay, dabinaddii ilaa
yoomal-diin ummadda loo xidhaayey, ee kolba si loogu dhigaayey, wax uu
hadba nabisgu soo habeen dhixiyaba, haday xaqiiqddii kaabiga soo
saartay, beenaala-yaashii ummadda lugooyey, oo ay furdaamin la'yihiin.
ee hoo waa tan qaraxii miinadu wixii ay kidif-kidif u jar-jartaye.
Akharistaw waa ayaan-ba-yaane, koox-ddii durbaanka munaafaqadda ah
garaaci jirtey, kolba sidda jirjiroo-laha midab isu keen soo marin
jirey, denbi ay hoosta ka wadaan dafiri jirey, hadana afka boodhka inoo
soo marsan jirey, baa maalmahan seeftu dhex miranaysaa. meel kale
loogama imane, muwaadin iyakii baa kala war-sheekooday, mid-ba-midka
kale uu canaana-nayaa oo leeyihiin aniga maahee, waa hebel iyo hebel oo
qolo-ba-qolo ku baxday.
Wuxu yidhi " Kud-madoobi" ( waa kaad buur-madaw tidhaahaane). isaga oo
si hagar la'aan ah shaaca uga qaaday, wixii ay ummadu weligeed
sheegaysay, ee colaadda ka soo noqno-qota Ceel-af-weyn iyo cidda
dabadda ka wadda, ee ay u degi wayday, nabad kaste oo laga gaadho, waxa
daba ka furayaa cidda ay yiin. Arintan oo min awel ilaa aakhir, aan
shacabka reer somaliland ka qarsoonayn, laakiin wax aan jirin iyo ciiro
been ah lagu hadoodi-laayey, si loo masabido dad aan ku lug lahayn iyo
beelo foodda la isu geliyo misana laga galgasho.
Kud-madoobi wuxu si badheedh ah, oo qeexan u soo ban-dhigay in ay
dadka colaadaas wadda, ee nabadda ka soo hor-jeeday ay yihiin, maamulka
askartu hogaamiso, kuwaas oo kala ah:
(1) Raggii ma adigaa ka hadhay oo ah Ka-ka madaxdda ahba ibtiladan in ay bakhtido loo diiday.
(2) Geenyo Shaaximan oo isna ah ka xaabadda lagu shido soo ururiya,
diidana in la soo qabto raggii wax dilay, yidhina soo xidha qofka sheega
ruuxii wax dilay halkuu joogo.
(3) Gaafaadhi oo isna isku duba ridaha aha, arimahaas oo dhana ahna
ninka isku xidha, kana shaqeeya soo xidhi-taanka, cidda war bixin-toodda
iyo halkay ku sugan yihii siisa dadka raadinaaya ciddii wax dishay.
(4) Boos Mire oo isna caqabad weyn ku ah in la soo dabar jaro arintan,
loona isticmaalo in magac reer lagu dedo muuqiisa , oo ay isku xidhan
yihiin Geenyo Shaaximan.
Waxa uu intaas raaciyey " Kud-madoobi" in dad badan oo war bixin
sheegay, taas oo ku saabsan, dadka gacan ku dhiig-la-yaasha ahi, ay
xidh-xidhan yihiin. waxa kale oo uu iyana balbalaa-dhiyey, in labaddii
askari ee lagu dilay Gar-Adag, ay ka dambeeyeen " Gaafaadhi iyo Geenyo
Shaacimani" sabab-tuna ay tahay cadaalad bay ku shaqaynayeen iyo in si
rasmi ah nabad loo dhex dhigo labadda beelood, dad badana hoos bay u
direen soo sheega denbiila-yaashii dilalka getstay. Waxan ku soo af
jaray, ummadu ha ogaato in ay dhab ahayd wixii ay sheekh iyo shariif
isugu tageen, in colaadaas la damiyo, ay is tus iyo riyo neefaaq ka
ahayd maamulka askarta, dadkii ay meesha geeyeena ay damba-bas ka ahayd,
ee aanay daacad ka ahayn, indhaha ummadana la majaro habaabi-naayey
mudo afar sano ah, kuna dambaysay " Ruqo nin lihi dabadda hayaa ma
kacdo"
mase "Hungawdo daacadiye" haday beeni curyaan-nimo jilbaha dhigatay,
oo xulafaddii wax wadda walaaqa-naysay, ay is sheeg-sheegayaan,
leeyihiin aniga maahee waa hebel iyo hebel been buu iga sheegaye waa
isaga.
* N.B Ma Hungawdo Daacadi.
Qore;- Abdi-Shotaly.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...