Jawaab Kusocota Xildhban Maxamed Abiib

0
Sunday August 14, 2022 - 10:13:32 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1102
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jawaab Kusocota Xildhban Maxamed Abiib

    Sheekh Sharmake Bukhaari

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sheekh Sharmake Bukhaari

"Ayaan darrada Somaliland haysata waxa ka mid ah siyaasiin taarabuun la dheel ah oo dhawaanahan mikiroofanada ka laalaada oo uu kow ka yahay ninkan dhawaan uun la doortay ee Xildhiban Maxamed Abiib.

Weydiinta hortaalla xildhibaanka marka uu sidan ula hadlayo culimada Somaliland, waxa ay tahay marka uu af labadii leeyahay " Culimadu ma aha kuwa soo gurmada maalinka ay tahay in la gurmado" maxaad filaysay ma in ay kula muduharaadaan?



Se shalay ayuunbaa lagugu arkay saxaafadda adiga oo iska oohinaya e' xagaad ka gurmatay ee taariikh ku lahayd marka aad sida fudud ugu soo dhiirran tahay  culimada Somaliland?


Aas-aaska Somaliland doorka ay culimadu ku leeyihiin ma jiro cid la sheegan karta oo mid la mid ah ku leh, waxa aan weydiinayaa abiib sidee ayaad ku dafiri kartaa adiga oo xubin ka ah baarlamaanka somaliland taariikhdii culimadu ku lahaayeen yagleelka qarankan aad sida fudud xildhibaanka uga noqotay?? Miyaadan akhrisan taariikhdii golihii guurti ee ugu horeeyay ee Somaliland yeelato iyo inta culimo ah ee fadhiday??


Malaha Sheikh Aadam Siiro AHUN ayaad ku garaadsataye miyaanad akhrisan Taariikhdii Sh Ibraahim Sh Madar ? Mise ma aanad maqlin?? Miyaanad maqal taariikhda Sh cabdilaahi Sh Cali Jawhar?


Minbarka jimcuhu ma aha xamaasad iyo is bihin bihin, mana dhacayso in manaabirta jimcaha loogu adeego dan xisbi gaar ah ama qof xil haya, waase iska dabiici in ninka mucaaradka ahi dhaho culimadu dawladda runta ha u sheegto, ka xilka hayaana dhaho mucaaradka runta haloo sheego se' xaqiiqadu waxa ay tahay in culimadu garanayaan waxa ay ka hadlayaan iyo halka ay ku jirro danta umaddan ay siyaasiyiintu isku dul haystaan.


Farriinta keli ah ee aan u dirayo Xildhibaan_Maxamed Abiib Jaamac waa in ay soo idlaatay isbihin-bihintii iyo taarabuunkii la qancinayay , waxana ay maanta taagan tahay in la samata bixiyo shacbiga, cidda ugu mudan ee u guntanaysaana waa CULIMADA aad sidaa ula hadlayso.


Sheekh sharmake bukhaari

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...