Real Madrid Oo 150 Milyan Oo Gini Kula Soo Wareegaysa Eden Hazard

0
Saturday June 08, 2019 - 07:47:23 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1639
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Real Madrid Oo 150 Milyan Oo Gini Kula Soo Wareegaysa Eden Hazard

    Real Madrid ayaa ogolaatay heshiis £150 milyan ah oo ay kula soo wareegayso

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Real Madrid ayaa ogolaatay heshiis £150 milyan ah oo ay kula soo wareegayso ciyaaryahanka weerarka uga ciyaara kooxda Chelsea ee Eden Hazard.


Hazard ayaa ogolaaday heshiiskaas oo 5 sano ah, waxaana si rasmi ah ugu wareegi doonaa kooxdaas 13 Juun marka baadhitaannada caafimaad ee uu marayo la dhamays tiro.



Laacibkaas reer Belgium ayaa 352 ciyaarood oo uu u saftay kooxda Chelsea u dhaliyay 110 gool, waxaanu markii hore uga soo wareegay naadiga Lile sannadkii 2012-kii, ciyaartii kama dambaysta ahayd ee Europa League-gana wuxuu dhaliyey laba gool.


"Ka tagidda kooxda Chelsea wuxu ahaa go'aankii ugu adkaa ee aan qaatay" ayuu yidhii Hazard.


Dhanka kale, gudoomiyaha Chelsea Marina Granovskaia ayaa sheegay in xasuusta Hazard ku reebay kooxdu tahay mid aan weligeed la iloobi karin.


"Inkasta oo ay tahay wax laga naxo, hadana Eden waxaan leenahay maca salaama waan jeclayn inuu sii joogo kooxda balse nooma suuro galin, waan ixtiraameynaa go'aankiisa waayo tan iyo yaraantiisii riyadiisu waxay ahayd ahayd inuu u ciyaaro Real Madrid "ayuu yidhi Granovskaia.


Todbadii xili ciyareed oo uu u safanayey Chelsea ayaa Hazard wuxuu kooxda laba goor la qaaday koobka horyaalka Ingiriiska ee Premier League, FA Cup iyo League Cup.

Sidoo kale waxaa afar goor loo doortay inuu yahay ciyaaryahanka sannadka ee kooxda Chelsea.


Chelsea waxa haatan saaran ganaax uu Xidhiidhka Kubadda Cagta Adduunka ee Fifa ku riday, waxaanay taasi ka xayiraysaa kooxda in ay la soo wareegto ciyaartoy u buuxiyo meesha uu ku banneeyey Eden Hazard.


Ganaaxaa la saaray kooxdu wuxu ka mamnuucayaa in inta ka horraysa sannadka 2020-ka ay la soo wareegto wax ciyaartoy ah.

 

BBC

 

Loading...
Loading...