Muuse Biixi Oo Kulan La Yeeshay Wafdi Ka Socda Maraykanka
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu qasriga madaxtooyada ku qaabiley wefti ballaadhan oo ka socda dalka Maraykanka oo isugu jira diblamaasiyiin, saraakiil ciidan iyo Akaadamiga Heritage Foundation oo safar shaqo maalmihii u danbeeyey ku joogay Jamhuuriyadda Somaliland.
Ugu horrayna
Madaxweynaha Jamhuuriyaddu waxa uu weftiga xog-warran guud ka siiyey horumarka
uu dalku ku tallaabsaday oo ku yimi iskaashiga shacbiga iyo xukuumadihii kala danbeeyey
ee nidaamka dimu-quraadiga ah isugu wareejinayey xukunka dawladnimo. Waxa kale
oo madaxweynuhu xubnaha weftiga la wadaagay arrimaha Qaranka Somaliland u
suurageliyey in beesha caalamka iyo Afrika inteeda kalena ay ku majeerato, taas
oo ah nabadgelyada, horumarka, doorashooyinka xorta iyo xalaasha ah,
dimuquraaddiyadda iyo wax-wada qabsiga.
Isagoo madaxweynuhu uga mahadnaqay xubnaha weftiga booqashada ay ku yimaadeen
dalka.
Dhinaca weftiguna waxa
ay madaxweynaha Qaranka iyo shacbiga Somaliland uga mahadnaqeen sida qiimaha
leh ee ay ugu soo dhaweeyeen dalka una qaabileen, iyagoo xusay inay goobo badan
booqdeen intii ay dalka ku sugnaayeen wakhtiyo kala duwanna ay qaar ka midi dalka yimaadeen balse wakhtigaasi ahaa markii dalku ka soo kabanayey burburkii
dagaallada, maantase la joogo wakhti horumar badani ka muuqdo dalka, iyaguna ay
xog-ogaal u ahaayeen isbeddellada iyo horumarka ay Somaliland ku tallaabsatay
muddadaas.
Waxaanay ku bogaadiyeen
dawladda iyo shacbigaba Jamhuuriyadda Somaliland horumarka ay ka gaadheen
nabadgelyada, dimuquraaddiyadda iyo maamul-wanaagga, waxaanay muujiyeen inuu
dalku yahay mid nabdoon oo wax-la-la qabsankaro. iyagoo madaxweynaha la wadaagay
in indhaha caalamku u soo jeedaan horumarka ka socda Somaliland, in badan oo ah
nasteexa Somaliland ahina ku diirsadaan horumarka iyo isku tiirsanaanta iyo
wada-shaqaynta shacabka iyo Dawladda, waxaanay soo jeediyeen in halkaa laga sii
wado guulahaa sababay in caalamku indhaha la raaco Somaliland.
Waxaana Madaxweynaha
kulanka ku wehelinaayey Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha Dibeda iyo iskaashiga
Caalamiga ah, Dr Ciise Keyd Maxamuud, Horumarinta Maaliyadda Dr Sacad Cali
Shire iyo Safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Maraykanka Amb. Bashiir
Dhinaca Weftiguna waxay
ka koobnaayeen
Mr.Tibor Nagy,
Kaaliyihii hore Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka u qaabilsanaa Afrika
Ambassador J.Peter
Pham, Ergaygii hore ee Maraykanka u qaabilsanaa qaybo ka mida Galbeedka Afrika
gaar ahaan gobolka Sahel.
Taliyihii hore ee
Ciidamada Maraykanka ee Afrika (Africom) General William "Kip" Ward
Mr Joshua Meservey, oo
ka socda Heritage Foundation Kuna takhasusay siyaasadda Afrika iyo Bariga Dhexe
ALLAA MAHAD LEH
Naasir Yuusuf Daahir
Agaasimaha Saxaafadda
iyo Warbaahinta Madaxtooyada JSL.