Khilaafk Ka Dhex Qarxay Urur Siyaasadeedka Barwaaqo Iyo Xubno Dalbaday In Magacyadooda Laga Saaro Liiska Aas Aasayaasha

0
Saturday August 13, 2022 - 11:59:24 in News by Abdi Good
  • Visits: 2062
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khilaafk Ka Dhex Qarxay Urur Siyaasadeedka Barwaaqo Iyo Xubno Dalbaday In Magacyadooda Laga Saaro Liiska Aas Aasayaasha

    Khilaafk Ka Dhex Qarxay Urur Siyaasadeedka Barwaaqo Iyo Xubno Dalbaday In Magacyadooda Laga Saaro Liiska Aas Aasayaasha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khilaafk Ka Dhex Qarxay Urur Siyaasadeedka Barwaaqo Iyo Xubno Dalbaday In Magacyadooda Laga Saaro Liiska Aas Aasayaasha


Afar ka mid ahaa aasaasayaasha Urur-siyaasaddeedka Barwaaqo ee uu hoggaamiyo Maxamed Cabdi Gaboose, ayaa la sheegay in ay ka baxeen Ururkaasi, ka dib markii khilaaf dhinaca qaab-dhismeedka uu ka dhex qarxay.

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Ururka Barwaaqo oo arrintaasi ku saabsan, hase yeeshee sida ay ii xaqiijiyeen ilo wareedyo xogogaal ahi afartan xubnood, ayaa la sheegay in ay Guddida diiwaan gelinta u gudbiyeen in laga saaro magacyadooda xubnaha aasaasayaasha Urur siyaasaddeedka Barwaaqo ee loo gudbiyey guddidaasi.


Wararku waxa ay intaasi ku dareen In afartan xubnood oo kala ahaa Jamaal Cali Xuseen oo markii la gudbinayey Foomka qaab dhismeedka lagu sheegay inuu yahay Guddoomiye kuxigeenka Kowaad Ururka Barwaaqo, Siciid Cilmi Rooble oo ahaa aasaasayaasha Ururka Barwaaqo, Muxumed aw Axmed oo aasaasayaasha ka mid ahaa iyo Axmed Nasiye oo ahaa isaguna aasaasayaasha Ururka Barwaaqo.

Xudunta khilaafkan oo kala dhex galay aasaasayaasha Barwaaqo ayaa la sheegay inuu salka ku hayey markii Ahmed Nasiye oo ahaa aasaasayaasha Barwaaqo uu damacay lagu daro hoggaanka Ururka, gaar ahaan Xoghayaha balse uu Dr. Gaboose u sheegay In aanay suurto gal ahayn, madaama xubin deegaankooda ahi ku jirto hoggaanka, iyada khilaafka keenay in ay ka baxaan Barwaaqo uu halkaas ka dhashay.

Guddida Diiwaan gelinta Ururrada siyaasadda ayaa ku wargeliyey Dr. Maxamed Cabdi Gaboose In xubno aasaasayaasha Ururkiisa ah soo gudbiyeen warqad ay kaga laba ayaan ka mid noqoshada aasaasayaasha Ururkaasi.

Xubnahan aasaasayaasha Ururka Barwaaqo ahaa ayaa ka soo jeeda Berbera iyo Gebilay.

Loading...
Loading...