Waar Ileen Tan Oo Kale!.

0
Saturday August 13, 2022 - 10:40:44 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 813
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waar Ileen Tan Oo Kale!.

    W/Q: Fu'ad Fartaag

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Fu'ad Fartaag

Waxa ammakaag, Fajeciso iyo yaab ah waxa ka socda Jamhuuriyada Somaliland oo wax lagu sheego ama lagu cabiro oo lagu sunto aan lagaranahayn, waayo arrimuhu waxay u muuqdeen qaar ay Xisbiyadu ku muransan yihiin se Hubaal ahaan waa mid Beesha dhexe ku jaafaajirqayaan, Mana aha mid u dhaxaysa siyaasiyiinta beesha dhexe se waa mid lagu dhex tuuray shicibweynaha beesha dexe, muran iyo cunfi laga dhex abuurayo mujtamaca beesha dhexe Dhalinyaro, Waayeel iyo Haween kuligood, Maxaa yeelay qaylada, buuqa iyo gurxanka baxaaya ma jirto Cid ka gaabsatay oo aan Buuqa iyo gallayuuska dhawaaq ku darsan rag iyo haween,

 

Marka laga reebo Wadaadadii iyo wax garadkii is xilqaamay ee dhawaaqii horaba uguntaday, se nasiibdaro judhiiba waatii ganafka lagu dhuftay ee layidhi ka beri ahaada, hadii aanu nahay Kulmiye waxaanu samayn jirnay waanu filaynaa inaydun xasuusan tihiin se waxaydaan la Socon in aanu Xeer cusub samaysanay markii aanu kursiga ku fadhiisanay si aan naloogu samayn wixii aanu samayn jirnay!, sidaa aawadeed Xeer ay noogu badinayso ayaanu haysanaa, sidaa awadeed waa Xeer ismarin ee OHO ka DHAHA.

 

Waxa iyana Somaliland ku ugub ah in taliyihii Booliska qaranka Somaliland ee siyaasada iyo hiilka Xisbiyada banaanka ka ahaan Jiray, ee Qaranka u dhexda ahaa oo Xisbi noqday oo Gudoomiye Xisbi u jawaabaya isaga oo Xisbi kale difaacaya, iyana Haweenkii Dahabka ahaa ee Hooyooyinka qaaliga ahaa ee reer Somaliland ee siduu eebe xaqa u siiyey loo maamuusi jiray ee aan loo Hayb tirin jirin ee HOOYO lagu wada odhan jiray oo maanta TV-yada lasoo fadhiisinaayo iyaga oo kooxo kala noqday intii isku Ab iyo Aabo ahiyo ha is doontaan cidday wada Dhasheen, ayuu xaalba marayaa!, Dumar waa dhaxdiiniyo waa laga tagay warkaa!.

 

Sida xaalku u Sasaan eeg yahay shacabka waayeelka ah iyo hooyooyinkaa sidii caruurta ama ciyaal-xaafad  xaafadaha ku dhex Cayuuntami ama ku dhex shiitami doona sida layskugu lisaayo shacabka ee naxliga loo kala dhex dhigaayo!.

 

Hadal iyo dhamaan siyaasiyiinta Reer Somaliland siiba Kuwa kasoo Jeeda Beesha dhexe Madaxtooyada dhexdeeda ayey isku gacan qaadeen oo Baarlamaanka gudihiisa ayey isku gacan qaadeen, oo jaamacadaha ardayda hortoodii isku Af qaadeen, oo Xalfadihii shacabka iyo Aroosyadii ayey isku dhex Weedh weerareen, maantana shacabkii ayey isku gacan qaada isku leeyihiin kol hadii magaalooyinkii Somaliland shacabkii kala sheegtay oo layidhi Cid aan ahayn reerka iyo reerkaa mooyee magaalo heblaayo Cid dhex mushaaxi karta iyaga oo tabasho socod ahi ma jiri karto, hadaan shacabka naxliga iyo nacaybka lakala dhex dhigaayo laga waantoobin, Somaliland sidii imaaraadka ayey magaalo dawlo noqon ama Gaalkacayo magaalooyin dawlado darafba kala maamulaan noqon, jamhuuriyadii barakaysnayd ee Somaliland iyadoo ictiraaf helin ayey inaga khaayisi!. Illaahay kama yeelee, se Ummad isku Af, Diin, Dhaqan, Midab, Ab, Isir, Hayb, Magaalo, Xaafad, Maal iyo Mabda' ah oo Meel kuwada nool, se aan is fahmahayn, Waar ileen tan oo kale waaba yaab iyo yaabka yaabkii!, ee Illaahow inasoo hadee, Aamiin.

 

Illaahay baa Mahad leh

 

Midnimana Somaliland

 

Fu’ad Fartaag

 

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...