Khilaaf Soo Kala Dhex Galay Ururka Barwaaqo & Gaboobe Oo Dacwad Laga Gudbiyay.
Hargaysa (HWN) Afar ka mid ahaa aasaasayaasha Urur-siyaasaddeedka Barwaaqo ee uu hoggaamiyo Maxamed Cabdi Gaboose, ayaa la sheegay in ay ka baxeen Ururkaasi, ka dib markii khilaaf dhinaca qaab-dhismeedka uu ka dhex qarxay.
Ma jiro war rasmi ah oo
ka soo baxay Ururka Barwaaqo oo arrintaasi ku saabsan, hase yeeshee sida ay ii
xaqiijiyeen ilo wareedyo xogogaal ahi afartan xubnood, ayaa la sheegay in ay
Guddida diiwaan gelinta u gudbiyeen in laga saaro magacyadooda xubnaha
aasaasayaasha Urur siyaasaddeedka Barwaaqo ee loo gudbiyey guddidaasi
Wararku waxa ay intaasi
ku dareen In afartan xubnood oo kala ahaa Jamaal Cali Xuseen oo markii la
gudbinayey Foomka qaab dhismeedka lagu sheegay inuu yahay Guddoomiye kuxigeenka
Kowaad Ururka Barwaaqo, Siciid Cilmi Rooble oo ahaa aasaasayaasha Ururka
Barwaaqo, Muxumed aw Axmed oo aasaasayaasha ka mid ahaa iyo Axmed Nasiye oo
ahaa isaguna aasaasayaasha Ururka Barwaaqo.
Xudunta khilaafkan oo
kala dhex galay aasaasayaasha Barwaaqo ayaa la sheegay inuu salka ku hayey
markii Ahmed Nasiye oo ahaa aasaasayaasha Barwaaqo uu damacay lagu daro
hoggaanka Ururka, gaar ahaan Xoghayaha balse uu Dr. Gaboose u sheegay In aanay
suurto gal ahayn, madaama xubin deegaankooda ahi ku jirto hoggaanka, iyada
khilaafka keenay in ay ka baxaan Barwaaqo uu halkaas ka dhashay.
Guddida Diiwaan gelinta
Ururrada siyaasadda ayaa ku wargeliyey Dr. Maxamed Cabdi Gaboose In xubno
aasaasayaasha Ururkiisa ah soo gudbiyeen warqad ay kaga laba ayaan ka mid
noqoshada aasaasayaasha Ururkaasi.
Afartan xubnood ayaa
dhamantood ka soo jeeda beesha Habar Awal .
Waxaana shacabku dhegtaagayaan go.aanka ay guddid ururada
siyaasadu ay ka qaadan doonan warqada ay
afartan xubnood u gudbiyeen
Saleebaan Saxansaxo