Eedeymo 'Ku Shubasho Ah' Oo Kasoo Baxayaa Doorashada Madaxweynaha Kenya
Isagoo aan wax caddayn ah bixin, ayaa xoghayaha guud ee xisbiga talada haya ee Kenya waxa uu sheegay in doorashada lagu shubtay, taasoo sii kicisay walaaca shacabka Kenya Jimcihii, iyadoo warbaahintu ay si weyn u soo taboneyso tirada kala horreynta codbixinta aan rasmi ahayn,
Kaliya guddiga
doorashada ayaa awood u leh in ay ku dhawaaqaan cidda ku guuleysatay, balse
tirada ay warbaahintu sameysay ayaa loo arkayay in ay gaashaanka u daruurtay
eedeymaha musuq-maasuqa ah ee horay u dhaliyay rabshado.
Kenya oo ah dalka ugu
qanisan, uguna xasiloonida badan Bariga Afrika, ayaa sidoo kale leh taariikh
muranno gacan ka hadal ah oo la xiriira doorashada. In ka badan 1,200 oo qof
ayaa la dilay kadib doorashadii 2007 iyo in ka badan 100 kadib doorashadii
2017.
Loolanka ku saabsan
cidda xilka kala wareegeysa madaxweyne Uhuru Kenyatta, ayaa wax uu u dhexeeya
madaxweyne ku xigeenka Kenya William Ruto iyo siyaasiga ruug caddaaga ah ee
mucaaradka ugu weyn Raila Odinga oo taageero weyn ka heysta madaxweyne
Kenyatta.
Tirada aan rasmiga
aheyn ee saxaafadda ayaa tilmaameysa inay labadan musharrax aad iskugu dhow
yihiin, inkasta oo labaduba wax yar ka hooseeyaan 50%, iyada oo in kayar
boqolkiiba hal ay ku kala horreeyaan.
Hadii aanu jirin
musharax ku guulaysta in ka badan 50% oo lagu daray hal cod, labada musharax ee
ugu cad cad ayaa gali doona wareeg labaad oo doorasho cusub ah.
Madaxa guddiga
doorashada Wafula Chebukatti ayaa jimcihii ku eedeeyay wakiillada xisbiyada
inay sabab u yihiin gaabiska tirada rasmiga ah ee tirinta codadka, taasoo aan
wali kor u dhaafin 1.5%.
"Wakiilladu lama
socon karaan habka aan howsha u wadno" ayuu yiri Chebukatti.
Waxa uu sidoo kale
Chebukati gelinkii dambe ee Jimciihii u sheegay warfidiyeenka in sarkaalka ka
tirsanaa saraakiisha doorashada ee ka shaqeynayay deegaanka Embakasi ee Bariga
Embakasi la waayay subaxnimadii Khamiista kadib markii uu dibadda u soo baxay
si uu taleefoon ugu hadlo.
"Maqnaasha
sarkaalkan ayaa lagu wargeliyay booliiska" ayuu yiri guddoomiyaha guddiga
doorashada Kenya.
Gelinkii dambe ee
Khamiistii, ayaa guddoomiyaha xisbiga Jubilee ee Kenyatta, oo taageersan
Odinga, waxa uu soo saaray bayaan ay ku eedeynayaan "khiyaano qarsoon oo
baaxad leh" oo ay ku andacoonayaan in "hannaanka doorashada la
geliyey khatar weyn" kadib markii xisbiga cusub ee Ruto uu soo bandhigay
guulo waaweyn oo uu ka gaaray deegaannada uu Kenyatta ka heli jiray codadka ugu
badan.
VOA