Maxay Yihiin Waxyaabaha Sirta Ah Ay FBI-Da Kasoo Saartay Guriga Trump?

0
Saturday August 13, 2022 - 08:53:34 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1007
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay Yihiin Waxyaabaha Sirta Ah Ay FBI-Da Kasoo Saartay Guriga Trump?

    "Wax sidan oo kale ah waligii lagu sameyn Madaxweyne hore oo Mareykan ah"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Wax sidan oo kale ah waligii lagu sameyn Madaxweyne hore oo Mareykan ah"

 


FBI-da Mareykanka ayaa gacanta ku dhigay dokumentiyo sir ah kadib markii ay baaritaan ku sameeyeen guri uu lahaa madaxwaynihii hore ee Maraykanka Donald Trump oo ku yaalla gobolka Florida todobaadkan, sida lagu sheegay warqad kasoo baxday waaxda dambi baarista Mareykanka.

 

Ciidamo ka tirsan waaxda dambi baarista ayaa guriga Trump kasoo saaray 11 dokumenti oo ku calamadeysnaa "TS/SCI", waxay ku tilmaameen in dokumentiyadan ay horseedi karaan 'dhaawac soo gaara' amniga qaranka Mareykanka.

Mr Trump ayaa beeniyay inuu wax khalad ah uu sameeyay, wuxuu sheegay in dhammaan dukumeentiyada la caddeeyay isla markaana la geliyay kayd ammaan ah.

 

Waa markii horreysay oo dambi baaris lagu saameeyo guriga Madaxweyne hore oo Amerikaan ah.

 

Waxaa Jimcihii la shaaciyay liiska waxyaabaha laga soo saaray guriga Trump kadib markii garsooraha uu daaha ka rogay dukumeenti ka kooban todobo bog oo ay ku jirto warqadda u oggolaaneyso  in la baaro guriga Mr Trump ee ku yaalla Palm Beach, Mar-a-Lago.

 

FBI-da waxay sheegtay in ka badan 20 sanduuq oo ay ka buuxaan walxo kala duwan laga soo qaaday guriga Isniintii, oo ay ku jiraan sawirro, dokumentiyo gacanta lagu qoray, macluumaad aan la cayimin oo ku saabsan "Madaxweynaha Faransiiska" iyo cafis ah oo lagu qoray magaca Roger Stone oo ay muddo dheer saaxiib ahaayeen Trump.

 

Sidoo kale guriga Trump waxaa laga soo helay faylal sir ah oo xooggan,  kaydka waxaa ku jiray dokumentiyo saddex qaybood ah iyo walxo saddex qaybood oo " qarsoodi ah".

 

Warqadda baaritaanka ah waxay muujineysaa in wakiilada FBI-du ay eegayeen jebinta suurtagalka ah ee Xeerka Basaasnimada, kaas oo ka dhigaya in sharci-darro ay tahay in la keydiyo ama la gudbiyo macluumaadka ammaanka qaranka ee halista ah.

 

Wuxuu sharciga mamnuucaya in dokumentiyo laga soo saaro guriga ama in la shaaciyo waxyabaha sirta ah, Waxaa sare sii xogeystay tallaabooyinka ka dhanka ah Trump markii uu xilka hayay, haatana wuxuu wajahi karaa shan sano oo xarig ah.

 

FBI-da waxay sheegtay in meelaha laga soo saaray dokumentiyada ay kamid yihiin xafiis lagu magaacabo "45 office" iyo qolalka wax lagu keydiyo ee guriga Trump.

 

Waxa kale uu muujinayaa in baaritaanka FBI-du uu qayb ahaan ku salaysnaa tuhunka ku saabsan in la jebiyay Xeerka Basaasnimada Maraykanka, ee la xiriira haynta sharci-darrada ah ee waxyaabaha xasaasiga ah ee qaranka.

 

Arbacadii ayay aheyd markii Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump uu sheegay in gurigiisa oo ku yaalla gobolka Florida ay soo weerareen ciidamada FBI-da.

 

Bayaan kasoo baxay Trump wuxuu ku sheegay in gurigiisa, Mar-a-Lago ay u dhaceen ciidamado fara badan oo ka tirsan FBI-da Mareykanka.

 

"Wax sidan oo kale ah waligii lagu sameyn Madaxweyne hore oo Mareykan ah" ayuu yiri Trump.

 

Mr Trump, markii loo dhacayay gurigiis Mar-A-Lago ma joogin goobta.

 

Waxaa uu weerarka ku tilmaamay mid ay soo qaadeen xisbiga Dimuqraadiyiinta mayalka adag ee garabka bidix.

 

Wiilka Mr Trump, Eric, ayaa sheegay in baaritaanka la xiriirira dokumentiyo kujiray sanduuqyo oo Washington laga soo qaaday markii Mr Trump uu xafiiska ka tagay sannadkii hore.

 

Waaxda cadaaladda ayaa ka gaabsatay inay ka hadasho howlgalka.

 

Bishii Febraayo Maamulka Kaydka iyo Kaydka Qaranka ayaa sheegay in ay ka soo saareen Mar-A-Lago shan iyo toban sanduuq oo alaab ah, oo la sheegay in ay ku jiraan waxyaabo sir ah, waxayna u gudbiyeen arrinta Waaxda Caddaaladda.

 

BBC


Loading...
Loading...