Xukuumada Muuse Oo Gaadiidka Dawlada Ka Mamnuucday Degmooyinka Hargaysa Ee Mucaaradku Ubadanyihiin

0
Friday August 12, 2022 - 20:29:19 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2062
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada Muuse Oo Gaadiidka Dawlada Ka Mamnuucday Degmooyinka Hargaysa Ee Mucaaradku Ubadanyihiin

    "arrintan ayaa lala xidhiidhinayaa saska iyo sal-babakha ay Xukuumaddu ka qaaday mudaharaadkii"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"arrintan ayaa lala xidhiidhinayaa saska iyo sal-babakha ay Xukuumaddu ka qaaday mudaharaadkii"

Hargeysa (HWN)- Warar xog oggaal ah ayaa Wargeyska Waaberi u xaqiijiyey in Xukuumadda Madaxweyne Biixi ay gaadiidka Dawladda ka joojisay inay taggeen afar degmo oo ka mid ah Magaalada Hargeysa,taas oo la sheegay inay ku amartay tallaabadan inay fulliyaan dhammaan Wasaaraddaha iyo Hay’adda kale ee Dawladdu.



Illo wareed-yo rasmi ah ayaa noo sheegay in Xukuumadda Madaxweyne Biixi ay go’aamisay in aan gaadiidka Dawladdu aanay teggin qaar kamid ah Degmooyinka Magaalada Hargeysa, gaar ahaana degmooyinka Maxamuud Haybe, Gacan-libaax, Maxamed Mooge iyo Degmada Axmed Macalin Haarruun, waxaana la sheegay in shaqaalaha Dawladda ee deggan degmooyinka lagu war-geliyey inay soo raacaan gaadiidka taggaasida ee dhaweeyaha,halka qaar kalena la farray inay soo raacaan gaadiidka dad-weynaha,waxaana xusid muddan in qarashka gaadiidka ay bixinayso Xukuumaddu.


Sidoo kale xoggaha uu Wargeyska Waaberi helayo ayaa xaqiijiyey in maanta uu dhaqan-galay go'aankaas,isla markaana ay fulliyeen Wasaaraddo ay kamid tahay wasaaradda Warfaafintu,taas oo shaqaalaha degmooyinkaas ay maanta shaqada wasaaradda ku yimadeen Gaadiidka dhaweeyaha iyo kuwa dad weynaha-ba .


Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dhinaca Xukuumadda Madaxweyne Biixi. Balse arrintan ayaa lala xidhiidhinayaa saska iyo sal-babakha ay Xukuumaddu ka qaaday mudaharaadkii badbaado Qaran ee shalay ka dhacay Magaalada Hargeysa.


Dhanka kale, illo wareedyadda aanu xogtan ka helnay ayaa sheegay in Xukuumaddu ay go’aamisay in aan Gaadiidka Dawladdu teggi karrin Degmooyinkaa illaa inta ay xaaladdu deggayso
Loading...
Loading...