Dawladda Ingiriiska oo Caddeysay inay Somaliland Kala Shaqeynayso Doorashada Baarlamaanka.

0
Friday June 07, 2019 - 21:40:57 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 3747
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawladda Ingiriiska oo Caddeysay inay Somaliland Kala Shaqeynayso Doorashada Baarlamaanka.

    Xildhibaan Stephen Doughty oo Su'aalo Somaliland Khuseeya Baarlamaanka ka hor Weydiiyey Wasiirul-dawlaha Iskaashiga Caalamiga ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Stephen Doughty oo Su'aalo Somaliland Khuseeya Baarlamaanka ka hor Weydiiyey Wasiirul-dawlaha Iskaashiga Caalamiga ah

LONDON (HWN)-Wasiirul-dawalaha Iskaashiga caalamiga ah dalka UK, Mr. Rory Stewart, ayaa ammaanay Jamhuuriyadda Somaliland oo uu ku tilmaamay mid tallaabasatay Guullo wax ku ool ah, waxaanu caddeeyey inay kala shaqeyn doonaan Doorashada Baarlamaanka ee soo socota.

 

Wasiirul-dawlaha Iskaashiga Caalamiga ah ee Ingiriisku wuxuu sidaasi ka sheegay fadhi uu maanta yeeshay baarlamaanka  UK , oo  Xildhibaan Stephen Doughty oo ka mid ah saaxiibada Somaliland ee laga soo doorto Koonfurta Cardiff uu  wax waydiiday inay  Dawladda UK Somaliland kala shaqeynayso  Saameynta  isbeddelka Cimilada Adduunka, Doorashada  soo socota ee Baarlamaanka  iyo Wadahadalkii u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya.

 

Siday werisay Wakaaladda Wararka Somaliland (SOLNA), Mr. Rory Stewart wuxuu Somaliland ku sheegay  inay  ku taallo bad ay dhibaatooyin badani ka  jiraan, waxaanu qiray inay guullo badan gaadhay, halka uu Soomaaliyana  ku tilmaamay mid ay  taagan tahay xaalad adagi.

 

Mr. Rory Stewart Wasiirul-dawlaha Iskaashiga caalamiga ah Ingiriisku wuxuu sheegay in Dawladda UK ay Jamhuuriyadda Somaliland kala shaqeysay Doorashadii u dambeysay ee Madaxtooyadda, isla markaana ay ka taageerayaan Doorashada  soo socota ee Baarlamaanka Somaliland.

 

 "Nasiib wanaag waxaan  la kulmay booqashadaydii u dambeysay ee aan ku tagay Somaliland, madaxweynaha  hadda talada qabtay. Waxaan filayaa inay jiraan wax badan oo aynu la qaban karno Somaliland, waxaan ku faraxsan nahay inaan la fadhiisan doono xildhibaannada si aanu uga wada hadalno qoddobada  Somaliland khuseeya,”ayuu yidhi Mr. Rory Stewart.

 

 

Cumar Maxamed Faarax

 

 


Loading...
Loading...