Musharax Cabdiraxmaan Cirro Oo Ka Hadlay Xadhiga Gudoomiye Xamarji
Musharax Cabdiraxmaan Cirro Oo Ka Hadlay Xadhiga Gudoomiye Xamarji
musharax Cabdiraxmaan Cirro ayaa ka hadlay xadhiga ay xukuumadu kula kacday gudoomiye ku xigeenka xisbiga Waddani Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi Xamarji.
musharax Cirro ayaa qoraal uu soosaaray ku yidhi "Waxa aan si adag u cambaareynayaa xadhigga sharci darrada ah ee lagula kacay maanta Guddoomiye Kuxigeenka Xisbiga WADDANI Mudane Axmed Cumar X Cabdillaahi Xamarji oo si ula kac gaadhigiisa gaadhi loogu dhuftay, isla markaana la xidhay ilaa hadda meel lagu xidhay aanan garaneyn, waxa aanu u aragnaa in Xadhiggiisu yahay beegsi.
Sida oo kale, waxa aan cambaareynayaa mas'uuliyiinta kala duwan iyo taageerayaasha Isbahaysiga ee korka u dhaafaya 100ka qof ee la xidhay, waxa aan ku baaqeynayaa in xorriyadooda degdeg loogu soo celiyo.
Loading...
Loading...