Waddani Oo Shaaciyay Qorshe Muuse Ku Ugaadhsanayo Siyaasiyiinta Habar Awal Ee Kujira Mucaaradka
Hargaysa (HWN) Xoghayaha Ganacsiga, Warshadaha & Dalxiiska ee Xisbiga Waddani Xamse C. Khayre ayaa shaaciyay qorshe loomaleegay Gudoomiye Xamarji
Xoghayaha ayaa intaasi
ku daray qorshahan iyo cida qorshaysayba
in ay garanayaan, isla markaana qorshahani yahay mid lagula beegsado
siyaasiyiinta beesha Habar Awal ee ku jira xisbiyada Mucaaradka Somaliland,
sida uu xoghayuhu ku sheegay qoraalkan hoose oo uu baahiyay:-
"Ciidamada dharcada [Macawisleyda] ee qaabilsan
beegsiga siyaasiyiinta Beesha HA ayaa diyaariyay qorshe iskugu jira wanjal iyo
shil gaadhi (isku day dil).
Waxaa dhacday in gaadhigiisii lagu dhuftay gaadhi
kale oo uu wade ka yahay nin ka tirsan qolyahaa macawisleyda, kadibna Gudoomiye
Xamarje iyo ninkii kale la isku qaaday, la geeyay cisbitaalka guud kadibna laga
baadhay iney khamri cabsan yihiin iyo in kale.
Sir ma qabe Allaa u sahan ahe, dhakhaatiir madax
banaan oo baadhay ayaa cadeeyay in gudoomiyuhu aanu cabsanayn wax khamri ah
balse ninkii kale uu xaddi badan oo khamri ah cabsan yahay.
Fulinta qorshaha wanjalka waxbaa ka khaldamay
dhankooda, Alle ayaana sidaa qadaray.
Kadib halkaa waxaa ku fashilmay qorshihii wanjalka
ahaa iyadoo ay sidaas tahay ayaa hadda waxa xidhan gudoomiye Xamarje halka
ninkii kale la sii daayay [dabcan isagu dee waaba ka mid qorshaha].
Hawlgalada noocan ah ee lala beegsanayo
siyaasiyiinta HA, waxaanu ka leenahay balan adag qorshe gaarana waanu ka
yeelanaynaa. Waxaanu haynaa liiska raga aanu tolka nahay ee shirqooladdan u xil
saaran waxaanuna u kala bixi gogol dhexdayada. Nin walba cidii yahay buu noqon.
Gudoomiyuhu isagu waa nabadqabaa mana qabo wax
dhaawac ah waxaase xoogaa dhibaato gaadhay gaadhigiisa. Wuxuu hadda ku xidhan
yahay Xarunta C▪︎I•D-da Hargeysa iyadoo ninkii macawisleyda ahaa hadda ka baxay
xadhigii.”
Allaa Mahad leh
Xamse C. Khayre
Xoghaya Ganacsiga, Warshadaha & Dalxiiska


0 





