Cali Guray Oo Muuse Biixi Dusha U Saarray Dadkii Dhintay Iyo Kuwii Dhaawacu soo gaadhay
Cali Guray Oo Muuse Biixi Dusha U Saarray Dadkii Dhintay Iyo Kuwii Dhaawacu soo gaadhay

Hargeisa(HWN):-Guddoomiyaha Urur-siyaasaddeedka Halgan Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray), waxa uu Muuse Biixi ku eeddeeyay oo uu dusha u saaray Dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay Mudaharaadkii khamiistii shalay ka dhacay gobollada Somaliland oo dhan.

Siyaasi Cali Guray waxa uu sheegay inaanay ciddina Muuse Biixi ka dhagaysanayn cid baa ila wadaagta wixii shalay dhacay ee Dhimashadda, Dhaawaca, Xadhiga iyo Burburkaba lahaa, waxaannu sheegay inay waxaas oo dhammi ku dhaceen Caqli xumadda Muuse Biixi.
FALAADHII GILGILASHO KAAGAMA GO’DO.! Tolow waa ayo cida uu u sheegaayo Muuse Biixi ee ka qaadanaysa in isagu keligii aanu masuul ka ahayn khasaarihii dhacay maanta iyo kuwo dambe oo dhici doonaba. Ama ha diido ama ha aqbalo eh dhibta dhacday sabab aan Caqli-xumadiisa, iyo kibirkiisa micno la’aanta ah ahayn oo loo nisbayn karaa ma jirto.
Waar miyaanu ahayn khilaafka u dhexeeya isaga iyo mucaaridkiisa ninkii ay cid waliba gashay ka ergaysay ee sheekh iyo shariif iyo salaadiin culimo gancsato oodda ka rogi waayay kolkii gar iyo garawshiiyo midna laga waayay cid walba ay gacanta ka taagtay. Dadka Somaliland oo dhan Muuse Biixi waxa kala wayn oo kala qiimo badan kurisigan goorta baas la saaray.
Haddana halkaa ha ka wado cidna yuu teelo u dhigan kuu xidhayo ha xidho, ka malagiisu galay ha dhinto yaan laga aqbalin kibikiisa beenta ah ee sidii la isaga dul qaadi lahaa falowgeed ha la qabto oo inta goori goor tahay ha laga tashdo sharkiisa.
Nin sanduuqa iyo warqadda ku yimi xukunka ee xoog aan ku qabsan oo hadana ku dambeeya kelitaliye miyir iyo maan laawe ah maaha wax dunida ku cusub. Hitlarba sanduuq iyo warqad baa lagu doortay 60 milyan oo dad ahna sababtiisa ayay u dhinteen. Halkee ayuuse ku dambeeyay?
Ta uu dhigo Muuse Biixi kol dhegaha faraha waa la gelin. Hadii aan maanta laga tashan Somaliland ka dambaynaysaa ma jirto ee nin walow ku talogal ama raacsanow ama diidanow. Isaguna halkii qayrkii maray meel aan ahayn marimaayo eh tu walba waxa ka daran taariikh xumada uu ka tegayo
Loading...
Loading...