Dab Qabsaday Suuqa Gobonimo Ee Magaalada Hargeysa Iyo Khasaaraha Ka Dhashay+Sawiro

0
Friday June 07, 2019 - 17:55:32 in News by
  • Visits: 5673
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dab Qabsaday Suuqa Gobonimo Ee Magaalada Hargeysa Iyo Khasaaraha Ka Dhashay+Sawiro

    Dab Qabsaday Suuqa Gobonimo Ee Magaalada Hargeysa Iyo Khasaaraha Ka Dhashay+Sawiro

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dab Qabsaday Suuqa Gobonimo Ee Magaalada Hargeysa Iyo Khasaaraha Ka Dhashay+Sawiro


Hargeysa ( HWN):-Abaaro 10 :25 Pm habeenimo ee xalay ayaa dab qabasaday qaybob ka mida suuqa gobanimo ee Magaalada Hargeysa, gaar ahaan Bakhaaro ku yaalla qaybo ka mida Xusbiga, kuwaasoo ay ku kaydsanayeen khudaarta noocyadeeda kala duwan.

Image may contain: night, sky, outdoor and nature

Image may contain: one or more people, night, sky and outdoor
Image may contain: one or more people, people standing and outdoor
Image may contain: night and outdoor

Ciidanka Dab-demiska ayaa damiyay dabkaas, sidoo kalena ku guuleystay inuu ka xakameeyo inuu ku fido dabkaasi meheradaha kale ee ku yaalla suuqaas.


Dhanka kale waxaa iyadana ciidanku badbaadiyay hanti badan oo dhex taallay suuqa, kuwaasi oo ay lahaayeen dad danyara. Sababta dabkan dhalisay ayaa ilaa hadda la garanayn.


Ma jirin khasaare Nafeed oo ka dhashay dabkaas. Laamaha Amaanka caasimada, Maamulka Degmada iyo shirkadaha korontada ayaa iyaguna hawlgalkaa kala qayb qaatay ciidanka Dab-demiska.

Image may contain: one or more people, people standing and outdoor
Image may contain: one or more people and indoor
Image may contain: one or more people, sky and outdoor
Image may contain: night and outdoor

Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Somaliland Sareeye Guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili ayaa hawlgalkaa hogaaminayay waxaa iyaguna hawlgalka qayb ka ahaa Taliye xigeenka ciidanka Dab-demiska Cabdixamiid Faarax Iidle, Agaasimaha Fulinta Cabdiqaadir Cumar Xaashi, Saraakiisha, Saraakiil xigeenada iyo dhamaan Ciidanka Dab-demiska Degmooyinka Caasimada Hargeysa.

Image may contain: one or more people, night, sky and outdoor
Image may contain: night and outdoor
Image may contain: one or more people, people standing, night and outdoor
Image may contain: one or more people and night
Image may contain: outdoor

Suuqa gobanimo ayaa tiraba dhawr jeer oo hore gubtay, iyadoo sannadkan ay noqonayso markii koowaad, waxaana intaba ciidanka dabdemisku ka hawlgaleen daminta dababkii ka kacay suuqaas.

Loading...
Loading...