Dhambaal Tacsi Ah Oo Ku Socda Ehelada Marxuun Xil Cali Aareeye
Dhambaal Tacsi Ah Oo Ku Socda Ehelada Marxuun Xil Cali Aareeye.
Maxamuud xaaji cali xasan gudoomiyaha guddida beesha ciise ee somaliland iyo cismaan ibraahin axmed (Buurcad) oo xubin ka ah guddida beesha Ciise iyo gudoomiyihii hore ee gobolka Daad Madheedh Axmed Diiriye Cabdilaahi waxay dhambaal tacsi ah gaadhsiinayaan ehelada, qaraabada iyo asxaabta alle haw naxariistee xildhibaan Cali Sheekh Ibraahin Aareeye oo ka mid ahaa golaha wakiilada somaliland kaas oo ku geeriyooday wadanka Turkiga isla markaana maalinta bari ah la keeni doono dalka.
Masuuliyiintan ayaa alle uga baryey marxuunka inuu naxariistiisa jano ka waraabiyo dhamaan ehelkiisa, axsaabtiisa iyo shacabka somaliland samir iyo iimaan ka siiyo.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!