Madaxweyne Xasan Sheekh Laba arrimood wuu eedi.

0
Monday August 08, 2022 - 10:39:40 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1576
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Xasan Sheekh Laba arrimood wuu eedi.

    W/Q: Cali Cabdi Coomay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Cali Cabdi Coomay

= Itoobiya wuxuu kala saftay dalka Masar, wuxuu meesha ka saaray inuu xidhiidh la yeesho dal xuduud dheer la leh dalkiisa Soomaaliya. Itoobiya wuxuu geeska ku geliyey waxa ay la safnayd madaxweynihii hore ee Farmaajo. Itoobiya waxa Soomaaliya ka jooga ciidamo badan oo ku hawgalla AMISOM. Raysal wasaare Abiya isaga oo ka jawaabaya xulufadda dhexmartay Soomaaliya iyo Itoobiya, wuxuu soo celiyey siyaasaddii Males Sanaawi ee ahayd la macaamilida maamul-goboleedyada Soomaaliya, maadaama uu Xasan Sheekh dabarku u jeediyey. Lafta Gareen ayaa Adiis ka caweynaya. Siyaasadaasi wuu eedi.



= Shiinaha ayuu toos ula saftay oo wuxuu naqdiyey booqashadii ay haweenayda Kongareeska Maraykanka hogaamisaa ee Nansi Boloonsi ku tagtay Taywaan. Halkaasi waxa ay isku eedeen Maraykanka, oo aan wakhtigan la mahadin ciddii ka soo horjeesata, marka la eego saameynta dhaqaale, saxaafadeed iyo mid saameyneed. Maraykanka wuxuu arrintaasi kaga jawaabi doonaa inuu dedejiyo sharcigii la macaamilka Soomaalilaan iyo Maraykanka, ee qayb ahaan ay Kongreesku ansixiyeen.

 

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...