Xukuumada Iyo Boqor Buurmadow Miyaa La Dhex Dhexaadinayaa?

0
Friday June 07, 2019 - 17:03:05 in News by
  • Visits: 3284
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada Iyo Boqor Buurmadow Miyaa La Dhex Dhexaadinayaa?

    Xukuumada Iyo Boqor Buurmadow Miyaa La Dhex Dhexaadinayaa?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumada Iyo Boqor Buurmadow Miyaa La Dhex Dhexaadinayaa?


Hargeysa(HWN):-Magaalada Dubai ee xarunta dalka imaaraadka ayuu kulan ku dhexmaray gudoomiyaha xisbiga Ucid, hogaamiyaha Khaatumo,Boqor Buurmadow iyo wasiirkii hore ee qorshaynta Maxamed Ibraahin Aadan Qabya Tire.




Siyaasi Maxamed Ibraahim Aadan (Qabya Tire) ayaa faah faahin ka bixiyey wayxaabihii ay kulankaasi kaga wada hadleen waxaanu yidhi "Sawirkaasi ilaa xalay waa nala soo waydiinayey laakiin waxaanu ahayn odayaal isku tagay, waana badh cimrada ka timid iyo in kale oo halkan hawl u joogtay, waanan wada hadalnay dhaqan iyo siyaasiyan, boqorka oo ah ka mid ah boqorada somaliland ,Cali khaliif oo odaygii Khaatumo ah oo nin weyn oo somaliland ku weyna ah, Faysal oo ka mid ah lugaha ay somaliland ku socoto, waxaanan ku kulanay meel ay soomaalidu ku badan tahay oo aanu isku waraysanay.”ayuu yidhi qabya-tire oo la hadlay eryaltv.


Sidoo kale siyaasi Maxamed Ibraahin Qabya-tire ayaa sidoo kale sheegay inay dhex dhexaadinayaan xukuumada iyo boqor Buurmadow "Arinta boqorka in wixii xurgufa ee dhexyaala ama lagu kala cabanayo xukuumad ahaan iyo boqorka inaanu ka odayeyno mooyaane shirkaas uu ku baaqay maanu galin laakiin waxaanu isku daynay in boqorkuna hawshiisa hoos u dhigo oo aan saxaafada wax dambe laysku marin, boqorkuna wuu na aqbalay anaguna Axada ayaanu imanaynaa waana in laga odayeeyaa oo laysku soo dhaweeyaa waayo boqorku waa boqorkeenii mana kala maarmayno, xukuumadeenana ragii tacabka galiyey ayuu ka mid ahaa, isaguna ma foga oo arintaas waanu ka odayeynay oo waxyaabaha aanu ka wada hadalnay ayey ka mid ahayd oo in boqorku hadalka halkaas ku hakiyo oo waxan saxaafada laysku marinayo dib loo dhigto.”


Dhinaca kale waxa uu sheegay inay ka wada hadleen sidii loo dhamaystiri lahaa heshiiskii somaliland la gashay Khaatumo "Cali Khaliif hawshiisu waa mid somaliland oo dhan u taalana walibana xukuumada si gaar ah ugu talaa oo dawlada uu hogaaminayo madaxweyne Muuse Biixi inaanu dhamaystirno hawshii ay soo waday xukuumadii hore ee Axmed Siilaanyo, Cali Khaliifna waa odayaasha ugu mudakarsan somaliland isagana in hawshiisa la galo oo la dhameeyo waanu ka wada hadalnay marka ay wadanka yimaadaana Cali Khaliif meelna ugama socdo somaliland, wanaag mooyaane wax xumaana oo ku jiraa ma jirto hawshiisana in xukuumadayadu si wanaagsan u dhamayso waanu ka sugaynaa.”


Dhinaca kale waxa uu sheegay inuu ilaa hada ka mid yahay xisbiga Kulmiye isla markaana aanu ka hor iman Karin sinaba madaxweyne Muuse Biixi”Anigu Kulmiye ayaan ahay oo ragii Muuse Biixi dhisay ayaan ka mid ahay ee waliba sida xooga ah ugu ololeeyey, inta uu xilkaas hayana lagama yaabo inaan ka horyimaado, laba mid ayuunbay ahayd inuu xil na siiyo ama xurmo, madaxweynahayaguna xurmadii waanu ka haynaa oo wuu noo soo istaagaa dadka ayuunbaa wax ka dhex raadinayee, xilkuna waa meerto oo maalinba mid ayaa haya laakiin xukuumadii aanu tacabka galinay ee aanu in badan u guura bahalaynay inaanu maanta ka hor nimaadno marnaba lagama yaabo, waxa laga yaabaa in dad badan oo aanu isku deegaan nahay ama wasiiro ah ayaa laga yaabaa inay u goroyo khaakhleeyaan madaxweynaha laakiin aniga iyo Muuse waanu is ognahay marnaba lagama yaabo inaan ka horimaado inta uu kursigaas ku fadhiyo waayo waa dawladii aan dhisay oo sabab aan kaga horyimaadaa ma jirto, hadaad ka hortimaadana waxa ku haysata malaa xil ayuu u dudayaa markaa waanu garab taagahay madaxweynahayaga ilaa inta ugu dambaysa anaga oo aan xil hayn.”

Loading...
Loading...