Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Sh.Aadan Siiro) Sheekh Caalima.

0
Saturday August 06, 2022 - 09:52:50 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1127
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Sh.Aadan Siiro) Sheekh Caalima.

    Qore: Cabdi Muxumed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qore: Cabdi Muxumed

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Sheekh Aadan Siiro) waxa uu ku dhashay hillaaddii sanadkii 1960kii magaaladda Hargaysa,waxaanu dugsiga hoose ka galay Malko-Durduro, isagoo ay isku dugsi ahaayeen walaalkay Mawliid, Quturaaye, Duco Aw-Macaane, Maxamed Aw-Cabdi, Axmed Jaanbiir iyo kudlad kale oo dhamaantood reer Hargaysa ah, waxaanay ahaayeen dufacaddii dugsiga bilowday Hillaaddii 1971kii , waxaana maamule u ahaa Alle ha u naxariisto'e Cabdi Gaaxnuug oo ahaa macallimiintii hore kol danbena ka noqday dugsiga Malko Dur-duro maamule taasi oo uu Dugsigu ahaa laba fasal.



Dugsigaa labada fasal ahaa ee Malko Durduro ayuu ka soo fantay Aqoonta maadigga ah ee uu sida wayn ugu aflaxay kuna noqday mid dadka oo dhami ku bartaan ka sakow diinta, oo uu iyana ka bartay waxdaddii Hillaaddii 1979kii isagoo ahaa ardayddii ugu horaysay ee wax ka barata Waxdatul Shabaabiya Islaamiya oo badhtamaha Hargysaysa ku taalay, iyadoo uu fure iyo barre labadaba ka ahaa Sheekh Cabdi-qaadir.  Dhalinyaraddii ay wax wada barteen waxaa ka mid ahaa Sheekh Maxamed Aadan Cadhoole, Sheekh Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan Kaariye iyo dhalinyaro badan oo kale oo caan ku noqday barashadda diinta Islaamka aakhirkiina wada noqday culimo diinta fidiya kuna talax tagay faafinteedda iyo daryeelkeedda ilaa qaar badani u muteen xadhig ay kula kacday xukuumaddii Siyaad barre.

 

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray muu ahayn oo kaliya Sheekh caalima oo ku talax tagay diinta Islaamka iyo fidinteedda khaasatan siiradda Nabigga (NXKH) iyo saxaabaddiisii Jaliilka ahayd, ee waxa u dheeraa Sheekhnimadda hibooyin badan oo kale oo aanu qof mar wada kulansan karin oo ay mid ahaayeen deeqsinimo  aftahino, runsheegnimo, waddanimo,daljirnimo iyo inta qof bani'aadam ah lagu majeerto oo dhan.


Hillaadii 1986kii waxa aan  u soo casho tagi jiray Maqaaxi ay lahaayeen reer Xaaji Maxamuud Xiiray oo ka soo horjeeday maqaaxiddii Cumar Dacar oo ku taalay barrigga magaaladda Hargaysa,manuu ahayn xilligaa Sheekh Aadan oo kaliya ee waxa uu ahaa xoogsadde shaqaynaya oo aan is dhigan, kuna ganacsanaya hantiddii iyo daarihii ay ku lahaayeen badhtamaha Hargaysa, sidaas baanu ahaa Sheekh iyo nin xoogsadda oo aan meel iska fadhiyin odhana kutub ayaan marinayaa wax hawl ah oo ii soo raacayaana ma jiraan.


Iyadoo aanu kala Xidhiidh furanay mudo oo aan ku sugnaa caasimaddii hore ee Muqdisho ee Soomaaliyaddii burburtay, ayaa uu dhacay dagaalkii SNM ku soo gashay gudaha Caasimaddii Hargaysa iyo magaalooyinkii kale sida Burco iyo Berbera oo ahaa kii Somaliland-ta Maantu ka dhalatay ee aanay aahayn mid ciyaar ciyaar ku timi oo aayar uun la helay. Haddaba dadka faro ku tiriska ah ee waddaninimaddu biyo dhigatay ayuu ka mid ahaa Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray, oo soo noqoshaddii dalka dib loogu soo noqday waxa uu ka bilaabay ganacsiggii uu hore ugu jiray ka hor qaxii dalka oo uu dib boodhka uga jafay. Halkaas oo uu meel fiican ka gaadhay ganacsiggii isagoo barbar waday fidintii iyo u heelanaantii diinta Islaamka ee uu caanka ku ahaa isagoo aan habeen iyo maalin ka nasan.

 

Badheedhaha Sheekh Aaadan waxa uu ahaa mid layaab leh mar walbana waxa uu jiray dhinaca ummadda dan-yarta ee kuwii kitaabka ugu dhaartay aanay danta ka lahayn. Waxa lagu tilmaami karayay siddii Gaariye sheegay "Caroogga ummadda reer Somaliland" ma musheekhdda intoodda badani runta ka gabadaan isaga ayaa kuwa xukunka ku mamay u sheegi jiray oo odhan jiray "Waar sidaa iyo sidaa halaga daayo dadka ma qabatee” Allow geesi ma ahaa? intaa waxaa u dheeraa waddaninimo biyo dhigatay qalbiggiisa oo gilgishay maankiisa.


Mudo aan ka badnayn saddex bilood markii uu kursigga ku fadhiyay Muuse Biixi Cabdi, ayuu u sheegay in ay kaceen boqolaal meheradood oo dad dan yar ku shaqayn jireen; sababtoo ah xukunkiisa silloon ee aan lahayn wax qorshe ah oo ka badan lacagta ayaan xakamaynayaa oo waan qufulayaa, siddii oo ay lacagtu tahay albaab, iyadoo ay lacagtu tahay inay wareegto oo shaqayso si ay dadku isku gaadhsiiyaan oo qofba si ay wax uga soo gaadhaan. Mase uu dhagaysan sheekha ee waa uu xidhay lacagtii Muuse Biixi Cabdi, taasi oo uu in badan u digay Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud (Aadan Siiro) xukuumadda uu la anbaday Muuse oo uu sheegay inay kaceen oo albaabadda laabteen boqolaal meharadood intii uu xukunkiisa Silooni yimi.  Hal hays ayuu u lahaa "Waar adeer way soo oodan tahay” hadalkaas oo ay in badani ku xusuusan doonto Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Sheekh Aadan Siiro) oo aan ahayn oo kaliya Sheekh caalima balse lahaa astaamo badan oo ay adag tahay in uu qof mar qudha wada kulansado.

 

Gabagabadda Maqaalka waxa aan ku hubaa inuu ahaa Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud(Sh.Aadan Siiro) sheekh caalima oo diinta Islaamka fidinteedda iyo aqoonteedba meel fog ka gaadhay> Waxa kale oo aan ku hubaa inuu ahaa daljir Somaliland jecel oo aan cidna u daba fadhiisan jacaylka iyo difaaca dalkiisa hooyo ha noqdeen mid gurracan oo u taliya ama kuwo dibad ka soo weerara, isagoo sutidda u hayn jiray. Waxa kale oo aan ku hubaa inuu ahaa aqoon yahan akhris badan oo la socda siyaasadda caalamka iyo cidda xukunta ee daaha dabadiisa ka hagta. Waxa kale oo aan ku hubaa inuu ahaa siyaasi ku talax tagay siyaasadda iyo sida ay u shaqayso oo u leh faham dheer oo aanay gaadhin kuwa inoo taliya ee aynu ugu yeedhno "Siyaasiyiin Ruug Caddaaya". Aan ku soo af meero maqaalka in Eebbe siiyo naxariistiisa balaadahan ee aan lagu hungoobin, gogol uga dhiggo Jannatul Fardowsa oo kula derso Nabigeenii Maxamed naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaatee iyo saxaabadiisii jaliilka ahaa ee uu inta badan inooga sheekeeyay Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray kulana magac baxay magaca caanka ahaa ee "Sheekh Aadan Siiro"

Aamiin.. Aamin.. Aamin

 

Qore: Cabdi Muxumed

[email protected]

 

 

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...