Siyaasadaha Cakiran Ee Geeska Afrika Iyo Somalia Oo Daawaha Ku Socota.

0
Saturday August 06, 2022 - 09:46:42 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1225
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasadaha Cakiran Ee Geeska Afrika Iyo Somalia Oo Daawaha Ku Socota.

    Guud ahaanba siyaasadda geeska Afrika

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guud ahaanba siyaasadda geeska Afrika

Ethiopia

 

Haddii aan ka bilowno Ethiopia, xukuumadda Dr. Abiyga Ethiopia waxa ay soo af-meertay dagaalkii ay kula jirtay jabhadda TPLF ee ka dagaallamayey Ismaaulka gobolka Tigray. Waxa kale oo meesha ka sii baxaya jabhado aan xoog badan lahayn oo la safnaa TPLF, kana dagaallamayey gobollada Oromiya iyo Amharada.

 

Laakiin dhinaca kale waxa Ethiopia culays weyn ku haya khilaafka kala dhexeeya Masar iyo Sudan ee biyaha webiga Nile. Khilaafkaasi oo gaadhay meel adag oo aan xal lahayn, illaa iyo immigana murankiisu taagan yahay. Ayaa u muuqda in ay Ethiopia ku guuleysatay dhammays tirka biyo xidheenka weyn ee loo bixiyey Renaissance Dam.

 

Xukuumadda Masar ayaa taageero uga raadsanaysa caalamka sidii Ethiopia , wada hadalla loo geli lahaa. Dabayaaqadii usbuucii horena waxa ay dacwad u gudbisay UN security council ka, si loo joojiyo buuxinta bisha soo socota u qorshaysan dawladda Ethiopia looga joojin lahaa buuxinta biyaha ee Dam kaasi.

 

Dhinaca kale waxa Ethiopia ku cusub waxa u eg cadaadawadda ee uu ku kacay madaxweynaha cusub ee Somalia Mudane Hassan Sheekh, ee sida aan ka fiirsi la’aanta ah faraha ula galay khilaafkaasi biyaha Nile ee u dhexeeya Ethiopia iyo Masar. Tallaabadan uu Mdx. Hassan Sheekh qaaday markii uu Qahira booqday ayaa laga baqayaa in ay si weyn u beddesho siyaasaddii deggenayd ee uu ra’iisal wasaare Abiy kula dhaqamayey Somalia. Siyaasaddaasi oo meesha ka saartay fara gelintii iyo tix gelin la’aantii ay Somalia ka tirsan jirtay xukuumaddii TPLF ee Ethiopia.

 

Iyada oo kala shikigaasi dhex yimid Ethiopia iyo Mdx. Hassan ka Somalia, ayaa misna ay dagaallamayaasha Al Shabaab ee saldhiggoodu yahay Somalia iyo xoogag kale oo lagu sheegay TPLF iyo saaxiibadood ay weerar ku soo qaadeen gobolka Afdheer ee Degaanka Somalida Ethiopia. Ciidammada degaanka ee loo yaqaan Liyoo Boliska oo ay weheliyaan ciidammada xoogga ee Ethiopia ayaa u gurmaday degaankaasi kana hor tegey dagaallamayaasha gobolka soo galay. Dagaal xun oo aad loogu hoobtay ayaana dhex maray dagaallamayaasha soo duulay iyo ciidammada Ethiopia.

 

Arrinkaasi markii uu dhacay waxa is beddelay xidhiidhkii siyaasadeed ee Somlia iyo Ethiopia. Hassan Sheekh oo la filayey in socdaalladiisii faraha badnaa uu ku soo gaba gabeeyo Ethiopia ayaa hakad galay, oo aan illaa immiga la hadal hayn. In uu Ethiopia tegi doonana looma malaynayo. Waayo shaki weyn ayaa soo kala dhex galay Addis Ababa iyo Muqdisho. Dhaq dhaqaaqyada immiga socdana waxa ay u muuqdaan in ay xukuumadda Ethiopia dib u bilaabi doonto la shaqaynta maamul goboleedyadii ay muddaba iska joojisay. Waxana durba bilowday in saraakiil sare oo ciidanka Ethiopia ahi ay booqashooyin ku marayaan Is maamul gobollada Soamlia qaarkood. Isla markaana la sheegayo in ay heshiisyo la galayaan madaxda gobolladaasi.

 

Somalia

 

Xukuumadda cusub ee ra’iisal wasaare Xamse iyo Madaxweynahooda ayaa usbuucan madaxiisii soo saaray xukuumad dood badan ka dhex dhalisay bulshda. Xukuumaddaasi oo lagu soo daray wadaadka Mukhtaar Roobow ee ka mid ahaa madaxda ugu sarraysa Al Shabaab. Wadaadkaasi oo ahaa nin mayal adkaa. Laguna eedaynayey in uu ka mid ahaa raggii ka soo taliyey dilalkii qorshaysnaa ee kumannaanka qof lagu xasuuqay. Taasi oo markhaati ma doon ah. Codadkiisiina ay ku kaydsan yihiin baraha bulshada. 

 

Sidaasi daraaddeed, dad badan oo dadkoodii ku waayey qaraxyadaasi ayey u cuntami la’dahay in shakhsigii ku suntanaa dilalkaasi lagu abaal mariyo mansab wasiirnimo. Dadka qaar ayaa waxa ay is weydiinayaan, haddii uu joogi USA amma UK, maxay xukuumadda Washington amma London ka yeeli lahayd? Su’aashaasi oo ay jawaabteedu caddahay, ayaa muujinaysa sida aanay Mdx. Hassan Sheekh iyo ra’iisal wasaare Hamze ula damqanayn dadkii lagu xasuuqay Shaamow meelo kale ee lagu gumaaday ardayda, madaxda, waalidiinta iyo aqoon yahannadaba lahaa. Dadka qaarna waxaba ay ka fekerayaan in arrintan loo gudbiyo maxkamadda adduunka.

 

Si kastaba arrini ha ahaatee, waxa aan shaki ku jirin ay ay xukuumadda cusub ee Xamse iyo Mdx. Hassan Sheekh ay ceeb iyo fadeexad caalami ah faraha la galeen. Sida keliya ee ay uga bixi karaanna ay tahay in ay dib uga noqdaan xukuumadda cusub ee ay ku jiraan xubno loo tirinayo in ay dambiilayaal yihiin.

 

 

 

Somaliland

 

Beryahan waxa Somaliland ka jira khilaaf is faham la’aan ah oo u dhexeeya Mucaaridka iyo xukuumadda. Khilaafkaasi maaha mid saamayn badan ku leh bulshada iyo adeegga bulshada. Waxase uu daarran yahay muran dastuuri ah, oo xalkiisa looga fadhiyo labada gole ee la isku yidhaa baarlamanka. Una baahan in si deg deg ah loo guda galo xalkiisa. Labada dhinac ee muransanna waxa looga fadhiyaa in ay is xakameeyaan, oo aanay abuurin ficillo keeni kara kala fogaansho siyaasadeed iyo ficiltan keena

 

Muddakar badan oo aan waraystay waxa ay ii sheegeen in aan cabsi laga qabin in murankaasi wax yeelo nabad geliyada iyo geeddi socodka siyaasadda. Waxana ay hoosta iiga xarriiqeen in aanay waxba ka dhici doonin Somaliland, oo mucaarid iyo muxaafidba la gaadhay bisayl siyaasadeed, oo aakhirka la isla gaadhi doono xal iyo heshiis.

 

Dhinaca siyaasadda debedda, waxa ay Somaliland muddaba mulkiday dhagaha beesha caalamka, waana dalka loo arko in uu nabad geliyadiisii sugay, maamulkiisii uu la saan qaaday caalamka. Taasina waxa ay keentay in kalsooni badan lagu qabo geeddi socodka siyaasadeed ee Somaliland. Mandiqadda geeskana wax laga weydiiyo. Gaar ahaan waxan ka war qabaa dawladda Maraykan iyo saaxiibadii waxa ay maanta diyaar u yihiin sidii ay wax ula qaban lahaayeen Somaliland iyo shacabkeeda.

 

Kenya 

 

Dalka Kenya waxa saddex maalmood kadib ka dhacaya doorasho uu buuq badani hadheeyey. Waxana ku tartamaya xisbiyo aad u kala fog, oo aanu midna midka kale arki karayn. Laakiin Uhuru ma tartamayo, waxana farxad u ah in uu xilkiisii ku dhammaystay si nabad gelyo ah. Inkasta oo xilligiisii uu dhaqaalaha dalkiisu aad dhulka u galay. Siyaasad ahaanse uu ka mid yahay dalalka ugu fiican Afrika.

 

Djabouti 

 

Djabouti…. dal ahaan aad buu u yar yahay, khayraadna macdaneed, saliid, xoolo, dalxiis amma beereedna ma laha. Nasiibka uu dalkani Djabouti sheegtayse waa hoggaaminta uu u hayo madaxweyne waaya arag ah, yaqaanna sida dawladnimada loo maamulo iyo sida loola macaamilo dunida ilbaxa ah. Waxana uu Ismail Omer Gelle ku guuleystay in uu iibiyo adeeg dakadeed iyo in uu dalkiisa dajiyo ciidammada waddammada ugu quwadda weyn dunida sida Maraykanka, China iyo Faransiis. Taasina uu dalka ugu helo dhaqaale iyo fursado shaqo.

 

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...