Habaaro Dhami Waa Dhimo Ha Noolan,Ducana Hodanbaw Halbeeg Ah.
Bismilaahi Alraxmaan Alraxiim {A.S.C.W.R.W.B},
Tu khaas ahna bahda H/W iyo akhristayaasha.
Habaar dhima halbegii noqoday,Duco ha noolaato,
Haddii laysla helila dunidanaan,Hebelba joogeene,
Hedahana Allahuunba hayiyo,Hibbo ku noolaansho,
Hadal badane admigu ma helo,Hawla ebbahay[SWT],
Hiifka iyo nacayb kuma taraan,Hiilna noqon waaye,
Hadimay abuuraan ka daran,Hawshaad Hibanaysay,
Hor ilaahayba loo samraaye,Hadalka shaandheeya,
Hiirtaanyada ka reebiyo waxaan,Horumar keenayn,
Hilfahaba u qaad yaanu noqon,Eray halhayskaagu,
Hanbeeyo wax waa lala hadhaye,Hooji amarkaaga,
Halyaynimadu ma ahuun inaad,Kelidaa haaneedid,
Hareeraho la wada qabanayay,Hawshu soconlayde,
Hagrashiyo ishaysigan badatayba,Heeray qarankiiye,
Hor ilaahay baan u hadlayaye,Hawlgab qarankeenu,
Hunbaalaynta habar wacashadiyo,Hooda iyo keenta,
Hanti urursi haaway wax siin,Qaarna ka horjoogso,
Hore waxay u eedaa haddana,Heeggan loo yahaye,
Hirdankiyo halaayuusku waa,Qabo mar haaneedka,
Hanbo kama sugayno koda hela,Waa halno simane,
Haddii ay heshiiyaan dadkana,Haakah odhanlaaba,
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!