Faallo Buugga: COL IYO ABAAR (Dagaalkii Buuraleyda Sheekh ee SNM 1984), qallinkii Sayid-Axmed M. Dhegay.

0
Saturday August 06, 2022 - 09:35:11 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 436
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faallo Buugga: COL IYO ABAAR (Dagaalkii Buuraleyda Sheekh ee SNM 1984), qallinkii Sayid-Axmed M. Dhegay.

    Waxa uu ka qoray Muuse Maxamed X. Muuse oo dagaalkii Buuraha galay ilaa imikana nool. 3.08.2022.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa uu ka qoray Muuse Maxamed X. Muuse oo dagaalkii Buuraha galay ilaa imikana nool. 3.08.2022.

W/Q: Cali Cabdi Coomay

 

Soo Koobista Nuxurka Buugga.

Buuggu wuxuu isugu jiraa laba qaybood, aniga aragtidayda, taariikhda Muuse iyo xusuusqorkii waayihii uu u soo joogay tan iyo markii uu dhashay. Wuxuu ku dhashay degmadda Sheekh, gaar ahaan xaafadda caanka ah ee Dariiqada sannadkii 1958-kii. Sannad ka dib waxa geeriyootay hooyadii, taasi micnaheedu waa inuu hooyadii la joogay sannad keliya. Buuggu wuxuu dhexjibaaxayaa taariikh noocyo badan oo qadhaadh, macaan, naxdin, farxad, werwer iyo wareer leh. Muuse wuxuu inala wadaagayaa taariikh ku suntan 1958-kii oo ahayd dhalashadiisii ilaa 1994-kii oo uu qabtay shaqo dawladeed. Dugsiga Sheekh ayuu galay 1976 ilaa 1979, ka dib shaqo qaran ayuu bilaabay, haddana isla Sheekh ayuu macallin ka noqday.



 Sannadkii 1981-kii ayuu Sucuudiga shaqo raadis u tegay, lix bilood ayuu shaqo raadinayey, markii uu shaqo waayey ayuu haddana dhinacaa iyo Masar tegay gaar ahaan caasimadda Qaahir. Isla Qaahirna shaqo ayuu ka waayey, walaalkii ayaa kula taliyey inuu waxbarasho bilaabo, hasayeeshee waxa laga diiday shahaadadiisa, waxaana laga doonayey shahaado wakhtigeedu dhow yahay. Intaa uu Sucuudiga iyo Masar ku sugnaa wuxuu la socday warka iyo wacaalka dalka iyo wixii caddaadis iyo cabudhis lagu hayey dadkii uu ka yimid. Waxa ay Qaahir ku kulmeen Mujaahidiin waaweyn, sida Prof. Cabdisalaan Yaasiin iyo Maxamed Xaashi Cilmi.


Waxa ay in muddo ah la suuxsanaayeen dilkii uu Janaraal Gaani ku fuliyey Gaashaanle sare Cabdilaahi Xaaji Siciid oo uu geed hoostii ku toogtay magaaladda Dharkeyn Geeyo ee jiida Buuhoodle. Sannadkii 1983-kii ayuu Muuse go’aansaday inuu ku biiro SNM oo uu tego dalka Itoobiya. Waxaanu sii raacay Prof. Cabdisalaan Yaasiin iyo Maxamed Xaashi Cilmi. Adiis ilaa Dabyl-weyne ayey soo gaadheen, waxaana Muuse laga hawlgeliyey xafiiskii canshuur ururinta, ka dibna khasnaji ayuu noqday. Muuse wuxuu qalbiga ka jeclaa inuu mar uun gaadho furimaha hore ee dagaalka oo toos uga qaybqaato dagaalka hubeysan ee SNM kula jirtay taliskii talada maroorsaday.


Horraantii sannadkii 1984-kii wuxuu toos u tegay deegaanka Gubad-daalaco oo ku taal gudaha dalka Itoobiya, waxa ay koonfur ugu toosan tahay magaalada Burco. Xadka Soomaalilaan iyo Itoobiyana waxa ay u jirtaa 25 Kiiloomitir. Ciidan halkaasi degnaa ayuu ku biiray, isaga oo aan lahayn tababar milatari iyo aqoon dagaal. Xerada Gubad-daalaco waxa taliye wakhtigaasi ka ahaa Muj. Ibraahin Dhegoweyne.


Sababihii Keenay dagaalkii Buuraha Noofambar 1984.

Muuse wuxuu inoo sharraxayaa in dagaalkii Burco-duurray ee dhexmaray ciidankii SNM ee uu hogaaminaayey Muj. Lixle ‘AHN’ ee dhacay 17/10/1984, uu keenay in SNM ay ciidan badan iyo saraakiili kaga dhimato. Ciidankaas dagaalku ku qabsaday Burco-duurray wuxuu ahaa ciidan muddo badan tababar ugu jiray xerada Awaare, oo aad loo soo tababaray. Dawladda Itoobiyana ay dadaal badan ku bixisay. Markii ciidankii Awaare dagaalkaasi ay ku madheen, waxa hoos u dhacday kalsoonidii ay dawladda Itoobiya ku qabtay dagaalyahannada SNM. taliyihii Itoobiya ee gobolka Hererge ee SNM-ta sida weyn u taakuleyn jiray, ayaa ku hadlay hadallo niyad jab ah oo uu ka qaaday dagaalkii Burco-duurray. Si kalsoonidii Xabashida loo soo celiyo ayey saraakiishii SNM ku tashadeen intaan wakhti badani lumin in dagaal kale oo weyn la galo oo dalka gudihiisa la galo laguna negaado. Sidaasi ayaa lagu galay dagaalkii buuraha ee u qaybsanaa galbeed iyo bari.


Dagaalladii Buuraleyda Sheekh Noofambar 1984.

131 askari ayaa ay guud ahaan ka koobnaayeen ciidankii lagu talogalay inay qabsadaan oo ka dagaalamaan buuraleyda Sheekh. 131 askari waxa loo qaybiyey dhawr iyo siddeetan askari waxa hogaaminaayey Muj. Ibraahin Dhegoweyne, waana qaybta uu Muuse sida faahfaahsan uga warramayo ee uu la socday. Qaybta kale waxa hogaaminaayey Muj. Maxamed Cali Faraax ’AHN’ oo ahaa abaanduulihii ciidanka, waxaanay ka koobnaayeen ilaa kontameeyo askari. Waxa ay wateen shan gaadhi oo kala ahaa: saddex gaadhi oo Tiyoote ahaa, hal gaadhi oo Siisow ahaa iyo hal gaadhi oo ahaa Nayntiin 1942. Galab casar ah oo ku suntan 9/11/1984 ayey ciidanku ka soo dhaqaaqeen tuulada Kaam-Liibaan, waxa ay soo gaadheen Aadan-Maanyare oo ku yaalla gudaha Soomaalida Itoobiya xadkana u jiray 20 Kiiloomitir.


Waxa ay soconayaan habeenimo iyo waddo qarxdo jeex ah. Siday u soo guureynayeen ayey soo gaadheen meel u dhow tuulada Boodhley. Boodhley waxa ay Burco u jirtaa 80 Kiiloomitir oo dhinaca koonfureed ayey kaga toosan tahay. Dhulku waa jilaal oo waxa ay soo jeexeen dhul omos, abaar iyo biyo la’aani ka jirto. Waxa ay haddana soo gaadheen tuulada Balli-Oday oo Burco koofnur kaga beegan qiyaas dhan 65 Kiiloomitir. Markii waagu u baryey ayey soo gaadheen waddada tagta tuulada Haqayo-malaasle oo 40 Kiilomitir galbeed kaga toosan Burco. Goor siddeeddii subaxnimo ku beegan ayey ciidankii soo gaadheen Dix-cad oo u dhaxaysa Go’da iyo Sheekh. Laba askari oo miino dhigayey waddooyinka ciidanka SNM laga soo weerari karo ayey miinadii ku qarxday oo halkaasi ku geeriyooday.


Dagaalkii ugu Horreeyey ee Buurta Dusheeda.

Koox ciidan ah oo kuwa dawladda ah iyo dagaalyahanno ka tirsan ciidanka buurta galay ayaa isaga soo horbaxay goob doox ah, mise rasaas ayaa la isku qasay, ciidankii dawladda oo weerar ku ahaa ciidanka buurta Sheekh ayaa dib loo waabiyey. Ciidankii dawladdu waxa ay dib ugu gurteen dhinaca tuulada Iskudar. In yar ka dib ciidan kale ayaa dhinaca buurta hoosteeda weerar ka soo qaaday, oo ciidanka SNM waxa ay saaran yihiin xagga sare toos ayey u arkayaan ciidanka weerarka ku ah. Rasaas ayaa bilaabtay, waxaana la isku ridayaa qorayaha PKM iyo Baasuuke, waayo gaawaadhida tiknada ahi ma fuuli karto buurta. Dagaal kale ayey ciidanka dawladdu soo qaadeen, waa la dagaalamay oo mar saddexaad ayaa dib loo celiyey ciidamada dawladda. Dhibta ugu badan ee haystay ciidanka dawladdu wuxuu ahaa nimaan aan garanayn deegaanka, halka kuwa SNM ay geed geed u garanayeen.


=Labadii Askari ee ciidankii SNM Qabteen: Laba askari oo ka tirsan kuwa dawladda oo dagaalka ku asqoobay ayaa daf u soo yidhi ciidankii SNM. markaasay yidhaaheen” waar ma ciidankaygiibaa”, waar haaye soo socda ayaa lagu yidhi. Markay soo dhawaadeen ayaa lagu amray inay qoryaha dhigaan. Waa la waraystay, waanay warameen. Ciidanka SNM waxa lagu amray in aanay dilin askarta ay ka qabteen dawladda oo ay si fiican ula dhaqmaan. Labadii askari ayaa saddex arrimood la kala dooransiiyey: inay SNM la joogaan, inay reerahood ku noqdaan iyo inay ciidankoodii ku noqdaan. Waxa ay doorteen inay la joogaan, oo way ka baqeen inay ciidanka dawladdu dilaan. Intii ay halkaasi ku sugnaayeen dhawr dagaal ayaa dhinacyo kala duwan ay ciidamada dawladdu kaga soo qaadeen, hasayeeshee way iska caabbiyeen, waayo iyaga ayaa ka sarreeyey oo joogay meel istaraatija ah. Labadii askari mid wuxuu ahaa reer waqooyi (Soomaalilaan) ka kalena reer Xamar. Way ka baxsadeen ciidankii SNM, waxa ay u galeen ciidankoodii. Waa la waraystay, kii reer Xamarka ahaa wuxuu yidhi indhaha ayey iga xidheen oo ma garanayo meel ay I geeyeen. Kii reer waqooyiga ahaa wixii jiray ayuu uga warramay. Laakiin dil ayey ku xukumeen oo way ka shakiyeen inuu basaas yahay.


Dhacdooyinkii xiisaha lahaa ee Dawga Sheekh.

= Qabsashadii Dawga Sheekh: Dawga Sheekh waxa ay ciidanku ka soo galeen dhinaca marka laga yimaaddo magaaladda Sheekh, sidaasi ayey laamiga buurta dusheeda ku qabsadeen, iyaga oo maamulayey dhammaan gawaadhiga ka timaad dhinaca tuuladda Huddisa iyo xagga Sheekhba.


= Gaawaadhigii lagu qabtay Dawga Sheekh: gaadhi ka yimid dhinaca Sheekh oo uu la socday nin Nayjeeriyaan ah oo u shaqeyn jiray Qaramada midoobay ayaa la qabtay. Ninkii ayaa laga dejiyey oo ay ciidankii SNM waraysteen. Ujeeddada ninka loo waraysanyey ayaa ahayd sidii uu Qaramada midoobay iyo adduunka ugu sheegi lahaa inay dagaallo ka socdaan waqooyiga Soomaaliya, oo ay SNM ciidankeedu ay goobaha qaarkood haystaan. Ninkii waxa ay SNM u sheegtay inuu iska ilaaliyo inuu dawladda Soomaaliya u warramo, waayo waxa dhici karta inay dilaan. Ninkii sidii ayuu yeelay markii uu Nayroobi Kiiniya tegay ayuu sidii u warramay.


= Dilkii Kornayl Jihaad: Wuxuu ahaan jiray taliyihii gaaska koowaad ee fadhigiisu ahaa Cadaadley. Wuxuu la socday gaadhi weyn oo kuwa ciidanka ahaa iyo mid Tiyoote ahaa oo wada socday, waxa ay soo mareen dawga Sheekh. Gaadhiga weyni wuu shiraaqan yahay oo ciidan hubeysan ayaa saaran. Markii ay u soo dhawaadeen goobtii ay ciidanka SNM ku jireen ayey rasaasta la boobeen, gaadhigii weynaa. Dirawalkii ayaa gaadhigii joojiyey oo orod is-dhiga laamiga dawga Sheekh. Ciidankii ayaa gaadhidii shirqaanaa rasaas badan ku riday. Markii dambe ayuu nin Baashe la odhan jiray bombo ku tuuray, markaasuu qarxay. Gaadhgii tiyootaha ahaa isna siduu u soo ordayey ayuu gaadhigii weynaa dabada ka galay. Waa goobtaasi ku dhintay Kornayl Jihaad oo ciidanka watay iyo ciidankiisii.


= Gabadhii Baska ka dhex-mashxaraday: Dawga Sheekh ayey ciidanka SNM ku qabteen bas weyn oo Hargaysa ka yimid kuna socda Muqdisho. Gabadh baska saarnayd ayaa markay aragtay ciidanka SNM iskala garanweyday oo mashxaraday. Baskii way sii daayeen, markii uu Baskii gaadhay goobtii ay dawladdu maamulaysay, ayey gabadh baska saarnayd sheegtay inay mashxaraday, waxa lagu xidhay saldhigga degmada Sheekh, ka dibna waa la toogtay.


Dagaalladii Buurta Gacan-Libaax.

Dhawr dagaal ayaa Muuse iyo colkii la socday ku qabsaday xagga sare ee buurta Gacan-Libaax. Dhawr aag ayey ciidamadii dawladu ka weerareen. Inta badan khasaaruhu wuxuu ku badnaa dhinaca dawladda waayo, ciidanka SNM way ka sarreeyeen oo mar kasta ninka xagga sare saaran ayaa ka hoose ka awood badan.


Dib ugu noqoshadii saldhigyadii SNM ee Gubad-daalaco.

Wixii intaasi ka dambeeyey ayuu hogaamiyihii ciidanka Ibraahin Dhegoweyn go’aamiyey inay buuraha isaga baxaan oo dib ay ugu noqdaan dhulkii ay ka soo duuleen ee Gubad-daalaco iyo saldhigyadii ciidankii SNM. ciidankii wuxuu taliye Dhegoweyne u qaybiyey in afar kastaa is raacaan oo aan la isku raacin wax afar ka badan. Waxa lagu ballamay in afar kastaa meeshay doonaan ka baxaan oo la isugu yimaado Gubad-Daalaco. Rafaad, daal, gaajo iyo oon ayaa wehel u noqday afartii askari ee uu Muuse ka mid ahaa. Dhinicii ay markii hore ka yimaadeen ayey u kaceen oo xagga Oodweyne ayey u leexdeen, waxa ay socon jireen habeennimo, waayo ciidamada dawladda ayey iska ilaalinayeen inay arkaan ileyn waa afar qof oo aan dagaal weyn geli karine. Sidii ayey ku galeen Gubad-daalaco. Guud ahaan 12 askari ayaa dagaalkaa Buuraha kaga dhintay ciidankii, kuwaasi oo magacyadoodu ay ku qoran yihiin buugga, gaar ahaan bogga 135.


Shicibkii Loo laayey Dagaalkii Buuraha Awgii.

11 qof ayaa lagu laayey degmada Sheekh, kuwaasi oo dhammaantood lagu haystay waxaad taageero siiseen SNM-tii soo gashay buurta Sheekh. 11 qof meydadkoodii ayaa la dhigay dawga Sheekh xagga Sheekh xigta, markaasaa ciidan ilaaliya loo sameeyey si ay bahaluhu u cunaan. 42 qof oo kale ayaa lagu laayey madaarka magaalada Burco, kuwaasi oo laga soo qabqabtay Burco, hawdka iyo Sheekh, waxaanu lagu eedeeyey inay gacansaar la lahaayeen ciidankii SNM ee ka dagaalamay buurta Sheekh. Dadkaasi Burco lagu toogtay, waxa ku jiray laba ganacsade oo kala ahaa Cabdi Cali Cawad (Indho-deero) AHN iyo Ibraahin X. Cabdi ( Koofiyad-dheere). Laanta Baanka Burco ayaa labadaa ganacsade ku dhegtay oo yidhi lacag ayaanu ku leenahay ee ha naloo soo daayo. Sidaasi ayey ku badbaadeen. Qof waliba maalintiisu ayuu dhimanayaa.


Gebogebo.

Muuse Maxamed wuxuu qaybta dambe ee buugga si korka-xaadis ah uga warramayaa dagaalkii Burco ee 27 May ee 1988 oo uu ku jiray, kana mid ahaa ciidankii SNM ee Burco qabsaday ee uu hogaaminaayey Muj. Axmed Mire. Wuxuu soo koobayaa goobaha ay ciidamadii taliskii Maxamed Siyaad foodda isku dareen magacyadoodii. Laakii waxa fiicnayd inuu dagaalkaasi si faahfaahsan qoraallo kale uga sameeyo. Waayo weli dagaalkii Burco ee 27 May ee 1988 xog faahfaahsan lagama hayo. Muuse wuxuu gutay waajib saarnaa oo ay awoodi waayeen taliyeyaashiisii dagaalka hogaaminaayey oo qaarkood ilaa hadda nool yihiin. Alle ha kaa abaalmariyo dhibka aad u soo martay xorriyadda aniga iyo malaayiinka iga yari ay ku naaloonayaan maanta.

[email protected]

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...