Qof Garanaya Halka Uu U Socdo

0
Friday August 05, 2022 - 17:09:29 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 980
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qof Garanaya Halka Uu U Socdo

    (Fariinta Urur Siyaasadeedka HALGAN)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

(Fariinta Urur Siyaasadeedka HALGAN)

Halgan waa urur ka duwan ururada oo u furan in uu noqdo Xisbi la wada leeyahay. Wuxu kuu soo bandhigayaa:

- Fikir cusub oo ka duwan fikirkii hore ee lagu assaasi jiray ururada ay ka soo bixi jireen Xisbiyada Qaranku



- Aragti cusub oo ku wajahan dhismaha qaran madaxbanaan oo ku suntan dawlad wanaag


- Jiil cusub oo ah siyaasiyiin uu dhiigooda ku talaalan yahay dumuux wadaniyadeed dhexdoodana ay ka soo bixi karaan kuwo leh hogaamin (talents of leadership)


- Wejiyo cusub oo bedela wajiyadii hore ee lagu bartay siyaasadda beenta iyo khiyaamada ama gebi ahaanba laga guuro dugsi fikradeedkii gaboobay ee siyaasadda beenta iyo khiyaamada


Intaasiba waa sababaha ka dambeeya assaaska urur siyaasadeedka HALGAN ee ku wajahan wax ka bedelka xisbiyada siyaasadda mustaqbalka ee jiilka sadexaad iyo ka dib.


Maalintii daahfurka urur siyaasadeedka HALGAN waxan idhi "anigu urur maan furan ee urur baan furay”. Hadii shakhsi ahaan dan yar oo gaar ahi ka wadan lahaa waxan odhan lahaa " urur baan furtay”.


Dadku isbedelka hore uguma dhiiradaan waayo waa wax ku cusub dadkuna waa u nacab wixii ku cusub ee jaahil ay ka yihiin. Sidaa daraadeed isbedelku wuxu u baahan yahay samir aniguna ma ihi qof degdegsan oo wax gaar ahi ka maqan yahay.


Ku darsoo isbedelku wuu cadawyo badan yahay waayo wuxu ka hor imanayaa dano badan oo gaar ah iyo dad awood leh oo ku macaashay nidaam ku dhisan dulmi iyo caddaalad darro oo kugu soo fasaxa dacawyadooda oo kaa daba ciya ilayn iyagu kuuma soo basheedhi karaan eh.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...