Komishanka Doorashooyinka SLAND Ee Kala Dhiman Oo Safar Ugu Baxay Kenya

0
Friday August 05, 2022 - 11:51:11 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1315
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Komishanka Doorashooyinka SLAND Ee Kala Dhiman Oo Safar Ugu Baxay Kenya

    "Waa fursad weyn oo aanu ugu faa'iidaysan doono innaanu ka helno aqoon"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waa fursad weyn oo aanu ugu faa'iidaysan doono innaanu ka helno aqoon"

Hargaysa (HWN) Afartii xubnood ee Komishanka cusub doorashooyinka Somaliland loo ansixiyey ayaa maanta safarkoodii ugu horeeyey ugu baxay magaalada Nairobi ee dalka Kenya,Xuseen Badhaani ayaa ujeedka safarkooda sharaxay:



"waxaanu safar shaqo ugu baxaynaa dalka Kenya, halkaas oo aanu kaga qaybgalayno Doorashada Guud ee Kenya 2022, annaga oo ka mid ah Goobjoogayaasha Caalamiga ah ee indho-indhaynaya habsami-u-socodka lixda doorashada ee isku-sidkan ee dalkaasi Kenya ka dhici doona 9ka Ogosto 2022.


Waa fursad weyn oo aanu ugu faa’iidaysan doono innaanu ka helno aqoon, waayo-aragnimo dhanka doorashooyinka, isla markaana aanu kula kulmi doono weftiyo kala duwan iyo Goobjoogayaal Caalami ah, oo ka kala socda Midowga Yurub, Maraykanka, Ingiriiska, Midowga Afrika, IGAD iyo kuwa ka socda Hay’addo Madaxbanaan oo Caalami ah.


Ugu dambayn sida uu waajibinayo Habraacyada Goobjoogayaasha Caalamiga ee Kenya, waxaanu soo saari doonaa qoraal Warbixin hordhac ah, kaas oo aanu la wadaagi doona Komiishanka Madaxabanaan ee Doorashooyinka Kenya".

Loading...
Loading...