Siidhiga Ciro Iyo Sutti-Gaashaanta Muuse Sharkooda Alle Ha Inaga Nabadgeliyo

0
Friday August 05, 2022 - 11:23:54 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1292
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siidhiga Ciro Iyo Sutti-Gaashaanta Muuse Sharkooda Alle Ha Inaga Nabadgeliyo

    W/Q: Kaysar Maxamed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Kaysar Maxamed

Asalaamu Calaykum

Jimce Wanaagsan



Marka hore Siidhiga Murashax Cabdiraxmaan iyo Sutti-gaashaanta Madaxweyne Muuse Biixi sharkooda Alle ha inaga nabadgeliyo. Aamiin.


Weligay ismaan  odhan Somaliland ayaa laga waayi cid runta dadka u kala sheegta oo nimankan isa sudhan, kii khaldan khaladkiisa farta ku fiiqda oo ku tidhaa waar Ummada ka fadhiiso waad khaldan tahaye.


Culimo iyo Cuqaal, Wadaad iyo Waranle Guurti iyo Baarlamaan ilaa imika waxoodu waa hoos u guux iyo Cali gar leh, Cumarna gar leh.


Somaliland waligeed may soo marin heerkan kala gabashada ah ee Sheekh iyo Shariifba lagu jiro. Somaliland waxay ku soo caano-maashay oo dhaqan u ahaan jirtay in Runta la isu sheego oo kolba cidii khaldan farta lagu fiiqo oo dariiqda saxda ah lagu soo duwo.


Waxaa loo baahan yahay in Runta la isu sheego oo la yidhaahdo laba mid uun.

1. Cabdiraxmaan iyo Faysal iyo Xirsiyoow waad khaldan tihiine dadka ha wareerinina ee tartanka ururrada gala oo wixii Alle idinka siiyo ku biyo cabba.


2. Madaxweyne Muusow waad khaldan tahaye haku kibrrine doorashada Madaxtooyada qabo, oo waa lagaa saxsan yahaye dalka fawdada ka daa.


Ka dibna kolba kii khaldan Ummada loo sheego oo la yidhaahdo UCID iyo Wadani ayaa khaldane dadweynoow iska qabta.  Ama la yidhaahdo Madaxweyne Muuse iyo Xukuumadiisa ayaa khaldane rida oo is dhaafiya.


Ummada reer Somaliland gudo iyo debedba intaas in loo sheego ayay doonayaan oo  loo loo caddeeyo labada dhinac ka khaldan si dhinaca khaldan runta loogu sheego oo la isaga qabto.


Allah dariiqa toosan ha ina waafajiyo If iyo Aakhiraba. Aamiin.


Jimce Wanaagsan

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...