Puntland Oo Sheegtey In Somaliland Ay 'Duullaan' Ku Soo Qaadday.

0
Friday August 05, 2022 - 08:16:51 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2156
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Puntland Oo Sheegtey In Somaliland Ay 'Duullaan' Ku Soo Qaadday.

    "Waxaa u suuro geliweydey in ay magalada Soo galaan, kana helaan Soo dhaweyn"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxaa u suuro geliweydey in ay magalada Soo galaan, kana helaan Soo dhaweyn"

Hargaysa (HWN) Wasiirka Duulista Hawada Puntland ayaa sheegay in Somaliland duulaan kutahay deegaano ka tirsan Puntland.

Wasiirka ayaana intaasi kudaray In Muuse Biixi doonayo in shacabka Somaliland ee ka sugaya inuu doorashada qabto ku mashquuliya dagaal uu ku qaado Puntland.

 

"Waxan ku sugna ilaa shaley Degmada Bocame waxaan rabaa in aan la wadaago Shacab iyo Dawlada PUtland iyo Umada Somaliyeed ba in maanta ay duulan ciidan ku Soo qaadeen Ciidanka Somaliland magalada Bocame yagoo wata 45 tigniko ah, aynu weheliyaan ninka sheegta Gudomiyaha Gobolka Sool ee Somaliland iyo saraakiil ciidan iyo dadkaloo weheliya oo Ka Soo raacey Laascaanood.



Waxaa Ka horyimid dadka magalada degan qeybihiisa kala duwan iyo ciidanka Boliska degmada.

Waxaa u suuro geliweydey in ay magalada Soo galaan, kana helaan Soo dhaweyn.

Waxaa nasiib daro ah in maamulkaas xiligan adag ee abaraha iyo sixir bararku dadku la daaladhacayaan ay duulan Soo qaadan.


Waxaa duulanku daarana labo ujeedo, mid in lacarqaladeeyo nabadeynita beelaha walaalaha ah ee Xasan Ugaas iyo Maxamed Ugaadh iyo Bahdubeybi oo meel gebegabo ah mareysa isimada dhaqanka ay hada gabagabeyni teeda ku jiraan aynu ugu dambeysey gogoshii Ugaas Maxamud Ugaas Cabdulahi dhegey Bocame iyo shirka hada Garoowe isimadu ujoogaan.


Waxaa kaloo la rabaa in lagu mashquuliyo reer Somaliland oo hada Muuse Biixi rabo inuu boobo, oo hada buuq weyni Ka taagan yahay.


Bocame sacad kadib weyka tageen iyagoo kabadan joogi kari waayey.

Bocame hadda Waxaa ku sugan aniga iyo Xildhibaan Cabdiraxaman iyo gudomiyaha Gobolka Sool iyo mamulkii degmada waana nabad." Wasiirka Duulista Hawada Puntland.

Loading...
Loading...