Shaqaalaha Dawladda Ciraaq Oo Kulayl Awgii Loo Fasaxay

0
Friday August 05, 2022 - 08:05:23 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 780
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shaqaalaha Dawladda Ciraaq Oo Kulayl Awgii Loo Fasaxay

    "Kulaylka ayaa isa soo tarayey dalka oo dhan tan iyo badhtamihii bishii July"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Kulaylka ayaa isa soo tarayey dalka oo dhan tan iyo badhtamihii bishii July"

Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegay in shaqaalaha dawladda ee qaybo badan oo ka mid ah Ciraaq ayaa la siiyay maalin fasax ah oo ay shaqada ka nastaan ka dib markii  heer kulku gaadhay  kacay 50C meelo badan.



Dhawr ka mid ah magaalooyinka dalka ayaa Khamiistii kaalinta koowaad ka galay liiska meelaha ugu kulul adduunka.


Kuleylka awgii  ugu yaraan 10 gobol ayaa hakiyay shaqada inta badan shaqaalaha, sida uu ku waramay Telefishanka Kurdistan24.


Kulaylka ayaa isa soo tarayey dalka oo dhan tan iyo badhtamihii bishii July waxaana la saadaalinayaa in ay sii socon doonto arintani.


Kulaylku  maaha wax ku cusub Ciraaq, maadaama oo ay ka mid tahay meelaha ugu kulul aduunka, laakiin dadka ayaa sheegaya in xaaladdu ay ka sii darayso.


Dekada koonfureed ee Basra, halkaas oo heerkulku si gaar ah u sarreeyo, waxaa ka bilaabmay fasax afar maalmood ah oo shaqaalaha dawladda la siiyey.


In kasta oo ay xafiisyada aanay joogin shaqaale badan haddana qaar badan ayaa sheegaya in dhibtaadadu sii taagnaan doonto maadaama oo laydh la’aanta jirta awgeed aanay heli karin qaboojiyeyaal.


Sanadkan waxaa batay duufaannada siigada ah  kuwaas oo qariyey cirka oo sababay in adeegyadii la hakiyo.

Kulaylka ayaa noqday mid soo noqnoqda oo aad u daran waxaana u sabab ah dhibaatada aadanuhu u geysto cimilada  oo keenay isbedelka.


Dunidu waxay horeba u kululaatay ilaa 1.1C tan iyo waagii warshadahu bilaabmeen heerkulkuna wuu sii kordhayaa ilaa dawladaha adduunka oo dhan ay yareeyaan qiiqa ay warshadahoodu hawada ku sii daayaan.

Ciraaq ayaa lagu qiimeeyay mid ka mid ah wadamada sida aadka ah ugu nugul isbedelka cimilada ee Bariga Dhexe, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

 

BBC

 

Loading...
Loading...