Nin Si Mucjiso Ah Uga Badbaaday Doon Ku Qallibantay Bad-Weynta

0
Friday August 05, 2022 - 08:01:08 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 870
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nin Si Mucjiso Ah Uga Badbaaday Doon Ku Qallibantay Bad-Weynta

    "Nolol walba oo la badbaadiyo waxay noo tahay abaal-marinteenna ugu wayn."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Nolol walba oo la badbaadiyo waxay noo tahay abaal-marinteenna ugu wayn." Nin 62 jir ah oo u dhashay dalka Faransiiska ayaa badda gudaheeda ku badbaaday 16 saacadood kaddib markii doon uu saarnaa ay qallibantay.

 

Waxa uu muddadaas isticmaalayay warqado hawada ka gudbayso oo uu ku neefsanayay.

 

Doonta oo dhirirkeedu ahaa  12 mitir, kana soo shiraacatay magaalada Lisbon ee dalka Portugal, ayaa astaamaha qaylo dhaanta dirtay maqribnimadii Isiniinta, xilli ay ku jirtay Badweynta Atlantic.

 

Ciidamada ilaalada xeebaha ee Spain ayaa helay doonta oo dhinaca kale u gaddoontay, balse badda oo aad u kacsanayd awgeed lama badbaadin karin ninka dhibbanaa - sidaas awgeedna waxa uu ku khasbanaa in uu sugo ilaa uu waagu ka baryo.



Badbaadada ninka waxay ahayd "mid ku dhawaatay inaysan suurtagal noqon", ayay dhaheen naaquudeyaasha ilaalada xeebaha.


maalintii Isniinta, ayay doontiisa qaylo dhaanta dirtay, xilligaas oo ay masaafe dhan 14 mayl (22.5 km) u jirtay jasiiradaha Sisargas, oo u dhow gobolka Galicia ee ku yaalla waqooyiga-galbeed ee dalka Spain.


Markab badbaadada ka shaqeeya oo ay saarnaayeen shan naaquude iyo saddex diyaaradood oo nooca qumaatiga u kaca ah ayaa loo diray si ay u helaan meesha uu joogo ninka islamarkaana u soo badbaadiyaan. 

Wali lama shaacin magaca ninkan.


Mid ka mid ah naaquudeyaasha ayaa galay biyaha si uu u raadiyo calaamado muujinaya nolol islamarkiina ninka ayaa doonta gaddoontay kasoo garaacay dhanka gudaha.


Baddu way kacsanayd, qorraxduna way dhacday, sidaas darteed kooxda gurmadka ayaa  doonta ku xiray buufinno waawayn si ay uga ilaaliyaan inay ku quusto biyaha. Waxa ay sugeen ilaa laga gaaray subaxdii dambe.

Maalintii xigtay, labo naaquude ayaa u dabaashay qaybta hoose ee doonta si ay usoo bixiyaan ninka doonta watay. Markii ay u tageen waxa ay arkeen isagoo xiran jaakadaha biyaha dushooda sabeeya.


Xilliga ay doonta qallibantay waxay biyuhu ahaayeen baraf, balse ninkan ayay u suurtagashay in uu doontiisa hoos galo si uu dugaal uga helo.


Waaxda Badbaadada Badda ee dalka Spain ayaa barteeda Twitter-ka ku tiri: "Nolol walba oo la badbaadiyo waxay noo tahay abaal-marinteenna ugu wayn."


Muuqaal ay waaxdu soo gelisay baraha bulshada ayaa soo jiitay dad badan oo u riyaaqay badbaadinta ninka aan aqoonsigiisa la shaacin.


BBC-da mas'uul kama aha xogta ku jirta muuqaallada lagu shaaciyay baraha kale iyo warbaahinnada kale. Muuqaalka waad ka eegi kartaa Twitter-ka.


Vicente Cobelo, oo xubin ka ah kooxda fulisa howlgallada khaaska ah ee ilaalada xeebaha ayaa sheegay in ninka doonta saarnaa uu badda u aaday "howl isaga u gaar ah".


Balse Cobelo ayaa intaas ku daray in naaquudeyaasha kooxda badbaada ay ku caawiyeen inay soo bixiyaan maadaama ay u suurtageli waysay in uu dharkii u xirnaa biyaha dhexdooda ku siibo.


Waxaa markii dambe lagu qaaday diyaarad ay leeyihiin kooxda gurmadka waxaana la geeyay isbitaal lagu eego caafimaadkiisa.

 

BBC

Loading...
Loading...