Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo Tababar u soo xidhay 30 Garsoore oo Maroodi-jeex Ah

0
Thursday August 04, 2022 - 23:19:01 in News by A. Asbaro
  • Visits: 562
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo Tababar u soo xidhay 30 Garsoore oo Maroodi-jeex Ah

    Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo Tababar u soo xidhay 30 Garsoore oo ka Hawl-gala Gobolka Maroodi-jeex

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo Tababar u soo xidhay 30 Garsoore oo ka Hawl-gala Gobolka Maroodi-jeex


Hargeisa(HWN):-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna Guddoomiyaha Guddida Cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland, Aadam Xaaji Cali Axmed oo ay wehelinayeen Lataliyaha Maxkamadda Sare Dayib Muxumed Nuur iyo Madaxa Tababarada Ayaan Maxamed Ibraahim, ayaa maanta tababar socday seddexdii cisho ee u danbeeyay u soo xidhay 30 Garsoore, oo ka kala tirsan Maxkamada Racfaanka Gobolka Maroodi-jeex, Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex iyo Maxkamadda Degmada Hargeysa.



Tababarkan oo ay soo agaasintay Maxkamadda Sare ayaa muddadii uu socday si badhax-tiran, loogu lafa-guray masalooyin laf-dhabar u ah Axkaamta Islaamka iyo nidaamyada ay u jidaysay Diinteena suuban Qoomaha, Nabarada, Dhaawacyada, Xukunnada ka dhasha iyo sida ay u burri karaan.

Tababarkan oo qayb ka ah aqoon-is-waydaarsiyada dhaxal-galka ah ee ku qotoma Shareecada ayaa waxa si xeel-dheer u daadihinayay Dr. Xuseen Xasan Cali iyo Sheekh Maxamed Cali Gadhle oo kamid ah Culimada Jamhuuriyadda Somaliland ee aqoonta dheer u leh Shareecada iyo Garsoorka.

Xidhitaankii tababarkan qiimaha badan waxa ka hadlay Dr. Xuseen Xasan Cali (Xuseen Faraa’id) waxaanu Garsoorayaashii aqoon-is-waydaarsiga ka soo qayb galay uga mahad-celiyay sida hufan ee ay muddadii uu socday tababarku diyaarka ugu ahaayeen aqoon-is-waydaarsiga isla markaana ay ula wadaagayeen waydiimo salka ku haya mawduucyadii duruustu la xidhiidhay, waxaanu ku dhiiri-galiyay Garsoorayaasha in aanay marnaba ka daalin barashada Shareecada Islaamka, xilliyada ay haleelka hayaana ay ka dhigtaan degelada aqoonta lagu kaydiyo si ay u korodhsadaan masalooyin cusub.

Ugu danbayn Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadam Xaaji Cali oo tababarka soo xidhay, ayaa u mahad-celiyay Cullimadii tababarka bixinayay iyo Garsoorayaashii sida qiimaha leh uga faa’iidaysanayay. Waxaanu xusay ahmiyada ay leedahay in Garsooruhu fursad u helo, wakhtina la qaato culimo ku takhasustay qaybo kamid ah cilmiga Shareecada.

Geesta kale waxa uu Guddoomiyuhu xusay in uu mudaysan yahay todobaadyada soo socda tababar loo qabanayo Garsoorayaasha ka hawl-gala Gobolada Galbeedka, waxaanu tibaaxay in dhawaan gobolada Bari ee dalka loogu qabtay tababar 10 cisho socday magaalada Burco.

Guddoomiyaha ayaa ujeedada tababaradan ku macneeyay kuwo lagu dhisayo aqoonta iyo khibrada Garsoorayaasha, taasi oo fursad u ah Garsoorayaasha cusub in ay waayo-aragnimo kala baxaan Garsoorayaasha khuburada ah ee tababarka la qaadanaya.

Sidoo kale waxa uu Guddoomiyuhu sheegay in ay dhawaan furi doonaan Maktabadii Garsoorka oo ay ka faa’iidaysan doonaan ardayda daraasaadka ka diyaarinaya Garsoorka iyo guud ahaan hawl-wadeenada ka shaqeeya Hay’adda Garsoorku. Gaba-gabadiina waxa uu sheegay in ay diyaariyeen qorshihii Machadka Garsoorka Qaranka kaasi oo kaalin mug leh ka qaadan doona haqab-tirka Garsoorka ee dhanka aqoonta iyo tababarada, taasi oo laf-dhabar u noqon doonta sare u qaadida aqoonta iyo waayo-aragnimada Garsooraha iyo hawl-wadeennada kale.

Loading...
Loading...