Mucaaradka Somaliland oo Hanjabaad u diray Xukuumadda

0
Thursday August 04, 2022 - 18:50:15 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1899
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mucaaradka Somaliland oo Hanjabaad u diray Xukuumadda

    Xisbiyadda mucaaradka Somaliland oo Hanjabaad u diray Xukuumadda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xisbiyadda mucaaradka Somaliland oo Hanjabaad u diray Xukuumadda


Hargeisa(HWN):-Xisbiyada mucaaradka Somaliland ee Waddani iyo UCID, ayaa ku hanjabay in ay iska celin doonaan xukuumada, iyaga madaxweynaha ku eedeeyay in uu ergo walba diiday.



Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe iyo Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, oo ka hadlay xaflad meher, ayaa sheegay in anay ogolaanayn wax aanu madaxweyne Biixi-ba ogolaan jirin.

"Ogolaan mayno waxaanu isba ogolaanin, Kulmiye ma jiree, ina Biixi ayaa jiree, ina Biixina waanu iska celinaynaa, dalkii wuu sheegtay" Guddoomiye Faysal ayaa sidaa yidhi.

Cirro ayaa dhankiisa sheegay in madaxweyne Biixi uu ergo walba, diiday balse ka mucaarad ahaan, ay tanaasul badan sameeyeen, sidaas darteedna anay jirin sabab iyaga looga codsado tudhaale,

"Reer Somaliland-now waxa aad anaga nagu riixaysaan oo aad leedihiin tudha bal noosheega".

Mucaaradka Somaliland ayaa qorshaynaya mudaharaado ay kaga soo horjeedaan in doorashada madaxtooyadu dib u dhacdo, iyadoo xukuumaduna sheegtay in anay dhacayn mudaharaado anay ogolaan.

Loading...
Loading...