Xukuumadda Somaliland oo mar kale ka digtay mudaharaadka mucaaradka

0
Thursday August 04, 2022 - 18:42:54 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1074
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda Somaliland oo mar kale ka digtay mudaharaadka mucaaradka

    Xukuumadda Somaliland oo markale ka digtay mudaharaadka mucaaradka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumadda Somaliland oo markale ka digtay mudaharaadka mucaaradka


Hargeisa(HWN):-Xukuumadda Somaliland, ayaa markale xisbiyada mucaaradka uga digtay in ay qabtaan mudaharaad anay ogolaansho uga helin xukuumada.


Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, oo xafiiskiisa warbaahinta kula hadlay, ayaa sheegay in sharcigu uu xalaaleeyay in muwaadinku mudaharaadi karo, lakiin ay tahay in xeerka nidaamka dad waynaha loo raaco.


"Dastuur keenu waxa uu sheegayaa in qofka muwaadinka ahi uu xaq u leeyahay in la doorto uu waxna doorto iyo in uu mudaharaado, in hadana qaabka mudaharaadka loo samaynayaa uu noqdo mid waafaqsan xeerka" ayuu yidhi wasiir Kaahin.

Waxa uu sheegay in xeerku sheegayo in cidii mudaharaad qabanaysa ay 3 cisho kahor kasoo codsanayso wasaarada arrimaha gudaha, maamulka gobolka, isla markaana ay codsigooda ku xusayaan sababta mudaharaadka, tiradooda, kadibna loo fasaxayo oo booliisku ilaalinayo.

Wasiirka ayaa sheegay in masuuliyiin doonaya in ay umada maamulaan oo ay madaxweynayaal noqdaan anay u haboonayn in ay abaabulaan mudaharaad anay sharciga u marin, oo fawdo iyo nabadgalyo daro ka dhalan karto.

"Mudaharaad ayna cidna u sheegin, oo hanjabaadi ku jirto, oo fawdo ku jirto, oo nabadgalyo daro ku jirto, ayaanu dhigaynaa, berritona waxaanu doonayna in aanu dalka Madaxweynayaal ka noqono, labadaasi isma galayaan" ayuu yidhi wasiir Kaahin.

Hadalka wasiirka ayaa noqonaya kii labaad ee uu mudaharaadka kaga digo laba cisho gudahood, isaga oo shalay la shiray madaxda ciidamada, maamulka gobolka Maroodijeex iyo ka caasimada Hargaysa, una sheegay in ay ka hortagaan mudaharaadka.

Hadaba, xisbiga Kulmiye ayaa xiligii uu mucaaradka ahaa ku caan ahaa in ay qabtaan mudaharaado rabshado wata oo anay sharciga u marin, iyadoo marar badan ay dad ku dhinteen, hanti dowladeedna lagu gubay, isku dhacyo dhexmaray taageerayaasha Kulmiye iyo booliiska.

Loading...
Loading...