Xukuumada Oo U Hanjabtay Muwaadinad Ka Faaloota siyaasada iyo xildhibaan Fariin U Diray Hay'addaha Amniga

0
Thursday August 04, 2022 - 11:50:27 in News by Abdi Good
  • Visits: 2101
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada Oo U Hanjabtay Muwaadinad Ka Faaloota siyaasada iyo xildhibaan Fariin U Diray Hay'addaha Amniga

    Xukuumada Oo U Hanjabtay Muwaadinad Ka Faaloota siyaasada iyo xildhibaan Fariin U Diray Hay'addaha Amniga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumada Oo U Hanjabtay Muwaadinad Ka Faaloota siyaasada iyo xildhibaan Fariin U Diray Hay'addaha Amniga



Xukuumada Muuse Biixi ayaa u hanjabtay muwaadinad Faadumo Ibraahin oo ka faaloota arimaha bulshada iyo siyaasada somaliland kuna sugan magaalada Hargeysa.


xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun oo ka hadlayey hanjabaada ay muwaadinadani kala kulantay xukuumada wakhtigeedu dhamaanayo ayaana fariin u diray hay'addaha amniga ee dalka, waxaanu ku yidhi qoraal uu soo saaray "Hooyo Faadumo Ibraahim waxa ay Astaan u tahay xorriyadda, kaftanka, madadaaladda, iyo faallooyinka arrimaha bulshadda, waa hooyo leh hibbo hadal, suugaameed iyo siyaasaddeed.

Muddo hadda sannad ah waxa ay caan ku noqotay ka sheekaynta xaaladdaha jira ee soo wajaha nolosha Somalida si gaar ahna waxa ay ku suntan tahay Somaliland iyo sawirkeeda siyaasaddeed.

Si ilbaxnimo iyo biseyl weyni ka muuqdo ayey uga ra’yi dhiibata wixi dhex yaala dalka ee war iyo wacaal ah hadalkeedu wuxu ka saafan yahay cunfi, cadho, qabyaalad iyo kal qeybin bulsho.

Waxa ayaandarro iyo aafo qaran ah qof kaalin galkaas nololeed leh in aayar loogu dhex hanjabo dalkeeda hooyo!

Hay'addaha Amaanka dalka waxa aanu cod dheer ugu sheegayna in ay sharciga horkeenan qofka hooyadda ugu soo hanjabay dil sida ugu dhakhsaha badan.

Hooyo Faadumana waxa aan leeyahay waxa aad tahay dheemaan aanu dheer nahay dalalka dunida ee nala joog oo hanjabaad ha u joojin shacabkaaga sharafta badan ee ku jecel ayaa harreerahaaga iyo hortaadaba jooga.
See less


May be an image of 1 person and text

Loading...
Loading...