Xildhibaan Ka Tirsan Wakiilada Oo Shaaciyey In Xalka Dalka Lagu Badbaadin Karaa Uu Yahay Maamuus Ka Xayuubin Muuse Biixi Lagu Sameeyo

0
Thursday August 04, 2022 - 11:41:31 in News by Abdi Good
  • Visits: 964
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Ka Tirsan Wakiilada Oo Shaaciyey In Xalka Dalka Lagu Badbaadin Karaa Uu Yahay Maamuus Ka Xayuubin Muuse Biixi Lagu Sameeyo

    Xildhibaan Ka Tirsan Wakiilada Oo Shaaciyey In Xalka Dalka Lagu Badbaadin Karaa Uu Yahay Maamuus Ka Xayuubin Muuse Biixi Lagu Sameeyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Ka Tirsan Wakiilada Oo Shaaciyey In Xalka Dalka Lagu Badbaadin Karaa Uu Yahay Maamuus Ka Xayuubin Muuse Biixi Lagu Sameeyo


Xildhibaan Mukhtaar Maydhane oo ka tirsan golaha wakiilada somaliland ayaa shaaciyey
 in xalka kaliya ee hadhay si loo badbaadiyo dalku uu yahay maamuus ka xayuubin lagu sameeyo Muuse Biixi.


xildhibaan Maydhane ayaa qoraal uu soo saaray ku yidhi "Maanta oo kale sannad ka hor, waxa la noo dhaariyey xilka mudaneyaasha Golaha Wakiilada. Sidii aan kula wadaagay bulshada mudadii ololaha, codbixiyuhu wuxuu imtixaaman yahay maalinta codaynta; kuwa la doortaana muda-xileedkooda oo dhan. Sidaas awgeedna, maalintani waa bilowgii imtixaankayaga.

Maantana imtixaankii ugu weynaa ayaa yaal - waa imtixaanka doorashada iyo kaalinta Goluhu qaadan doono. Arrintuna ma aha oo keliya doorasho ee waa mid amnina. Doorashooyinku nabadda ama dhisaan ama wey kala daadiyaan. Waxaan rumaysnahay in dalku ku jiro xiisad Dastuuri ah (constitutional crisis), doorashooyinkuna yihiin mid ka mid ah meelaha ay sida waafiga ah uga muuqato dhibtaasi.

Doorashooyinku kama dhaxeeyaan oo keliya xisbiyada qaranka. Sida imika hadalka lagu soo darayana, daneeyeyaashuna ma aha ururada siyaasiga oo keliya. Doorashadu waxay ka dhaxaysaa bulsho weynta Soomaalilaan - ka wax dooranaya, iyo ka la dooranayo iyo inta u gar qaadaysaba.

Inteenaas oo dhan oo daneeye ka wada ah, haddana waxa saamayn muquunineed ku leh Madaxweynaha. Muranka maanta jiraa ma yimaadeen haddii aan Madaxweynuhu lahayn awoodaas dabaradeedu yar yihiin.

Labadii waaxyood ee kale dabar ma u noqon karaan weeye su’aashu? Waa maya. Dabarka keliya ee jiraa waa ka maamuus-ka-xayuubinta. Dabarkaas Golaha Wakiiladu leeyahay, ee uu ansixinteedana leeyahay Golaha Guurtidu, waa mid, marka afka ciidamada loo rogo, u dhigma ridista qumbuliyad (nuclear). Ma aha mid adeegsigiisu joogto noqon karo, ama loo adeegsan karo meel kasta. Meesha kale ee dabar noqon kari lahayd, oo ah Garsoorka, madaxbannaanidooda far weyn ayaa ku godan marka lagu ekaado uun inta Dastuurku jideeyey.

Haddaba, sida ay dad badan moodayaan ee ah in Madaxweyne Muuse uu ka adkaaday xisbiyadii mucaaridka ahaa ma aha mid sax ah; laakiin Soomaalilaan oo dhan ayey Madaxtooyadu ka adag tahay. Awooda sidaas u badan ayaa u baahan in lagu hayo xilkasnimo; waana waxa aynaan ugu dareemin sidan oo kale Madaxweyneyaashii hore.

Gar waa loo Islaame, marka dadweynaha laga daayo ereyada lagu jahwareerinayo, ee sida ugu fudud loo dhigo, arrintu waxa weeye xisbiyada maadaama loo samaysto in lagaga qaybgalo doorashooyinka, xisbiyaduna leeyihiin ruqsad 10 sanno ah, maalinta ugu dambaysa 10kaasina tahay Bisha Diisambar 26keeda 2022 (maadaama oo ay soo qaateen Bisha 12aad 27keedii, 2012), waxa xaq ah in wixii doorasho ah ee ku dhex jira 27kii Diisambar 2012 ilaa 26ka Diisanbar 2022, ee Golayaasha Qaranka lagu matalayo umaddu ay iyagu xaq u leeyihiin. Inay intaasi ku xidhnaato doonista Madaxweynaha, ama cid kaleba, inagay inagu tahay nusqaan maadaama ruqsaddii aan bixinay maalinta hore aan ku dhantaalayno ka-daba-geys.
Sidoo kale, waxaan aaminnasanahay in mucaaridku xaq u leeyahay, welibana ay tahay, inay ka mudaharaadaan arrintan. Anigoo aaminsan in sida mucaaridku hore u sheegeen uu mudaharaadku yahay xuquuq dastuuri ah, aaminsanna in xeerarku nidaamiyaan sida loo xaqiijinayo, haddana waxaan laba Cali ku wada hadlayn in kaalintii dhexdhexaadnimo ee looga baahnaa masuulka Arrimaha Gudaha ee mudaharaadka laga codsan lahaa aanu Maxamed Kaahin iyo inta ka hoos shaqaysaa aanay ku jirin. Horena waxaaban u soo aragnay in maalintii ay xafiisyada Waddani ku ballameen, dhagaxaan wadooyinka loogu rogay oo ciidanna loo dhigay. Ma tahay Wasaaradda Arrimaha Guduhu tii si dhexdhexaad ah u eegi lahayd mise waa xisbi raba inuu jaangooyo dhaqdhaqaaqa siyaasiga ah ee xisbiyada kale?

Mudaharaadkii ugu dambeeyey wuxuu muujiyey wax lid ku ah waxa ay saraakiil badan oo xukuumadda ahi ku doodo. Waxa uu muujiyey cidda aan u diyaarsanayn ee aan aqoon mudaharaadku inaanay ahayn dadweynaha ee ay tahay labada ciddii fulinta joogtay ee yeelan lahayd maamulka ammaanka mudaharaadkaas. Waxase xukuumadu liidaa caqliga dadweynaha iyagaba kursiga soo saaray; naftoodana waxay ku hafraan sidii ay umadda meel kale uga yimaadeen inanay xaggooda bar yar oo madow aanay jirine laakiin dadweynuhu weli bislaan. Bisaylkoodu waa musharax Madaxweyne cidda xisbigeedii u garatay oo gaadhi lala beegsado, xildhibaano, masuuliyiin xisbi iyo dadweyne loo gacanqaado oo xataa biri-ma-geydada aan laga xishoon, meel dahsoonna aan lala tegine umadda dhexdeeda beerka laga laago.

Dedaaladii isu-jiidku way soo gudheen, ama in kooban oo naqartii Soomaalilaan ah uun baa weli dhiman inay isu dayaan. Qof kasta oo kaalin umadda ugu jirana oo wax uun ka geysan kara way u furan tahay. Waxa nasiibdarro ah in Madaxweynuhu odayada ammaano kalsoonina siin waayo. Xeerka uu Madaxweynuhu ku andacooday inaanay odayadu meelba kasoo gelin ee Labada Guddoomiye ee Wakiilada iyo Guurtidu u hayeen muxuu ahaa illeyn xildhibaanka Wakiilada iyo Guurtida midna go’aankooda masoo qaadi karaane? Ma Maxkamad bay ahaayeen?

Ugu dambayn, waxaan u soo jeedinayaa mudanayaasha aanu wada ibtilaysannahay ee Golaha Wakiilada in arrintani khatarta amni keeni karta aynaan fudaydsan. Waxaan u soo jeedinayaa in aynu kalfadhigan soo socda isula nimaadno talooyin wax ku ool ah oo aan kaalinteena kaga qaadano samatabixinta qaranka - oo aan diyaar u noqono inaan inagu isqancinno, wixii aan ka geyn weynana qaraar kusoo saarno. Waan asiibi karnaa, waanan seegi karnaa; kamase joogi karno. Waa imtixaanka dadkii ina soo doorteyna inaga dhawrayaan; Eebbena Maalinta Dambe ina weydiinayo. Jawaab waafi ahna ma aha inaan daawadeyaal ka noqonaa…



May be an image of 2 people, suit and text

Loading...
Loading...