Qashinka Biyaha Roobka La Raaciyo Xili Roobaadka. Dr Buux Ibraahim

0
Friday June 07, 2019 - 10:46:25 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1280
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qashinka Biyaha Roobka La Raaciyo Xili Roobaadka. Dr Buux Ibraahim

    Maxaa sababay in dadku qashinka ay raaciyaan biyaha roobka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxaa sababay in dadku qashinka ay raaciyaan biyaha roobka

 1 dawlada hoose ee dalka iyo shirkadaha qashinka  oo aan u danaynayn  bulshada  in ay qashinka ku qaadan lacag la an iyo waqti sugan oo ku  talo gal ah  qashin ururinta

 

2   dhiska wadoyinka oo aan lahayn qorshe dhis biyo mareen  sugan iyo wadooyinkii  danta guud oo  cidhiidhiya sababahaa awgeed ayey dadku ka doorbideen qashin qaadistii oo qiimo qaaliya in ay raaciyaan  biyaha roobka  qashinkaas oo aad wax ugu dhimay qurxintii iyo bilicdii fayadhowrka magaalooyinka dalka jsl

 

Waa in la kala saara intaan qashinka laga soo saarin goobaha magaalooyinka dalka noocyada qashin ee uu ka kooban yahay

 

Khtarta caafimaad daro ee ka iman karta walxaha la raaciyo qashin qaadista

Waa in aad looga taxadiraa in aan la raacin qashinka waxyaabaha qarxa ama irbadaha farmasiyada iyo cusbitaalada kasoo baxa sidoo kale daawooyinka  sharaabka dhacay etc  maadama ay goobtii qashinka  qubka caasimada ay u dhawdahay dhismaha deegaanka caasimada  taas oo si fudud ugu dhex jiraan caruur aad u yaryar oo guranaaya  kana raadinaaya waxyaabo ay ku daboolan baahida noolaleed ee haysata qoysaska ay kasoo jeedan waxyaabahaas  oo khatar caafimaad daro ku keeni noolashooda 

Waxaad arkaysaa gadiid qashin sida oo qashinkii uu ka daadanayo  hareeraha dhaliisha waxa ka masuul ah dawlada hoose ee caasimada

 

 Waxa aan marna la hilmaami karayn  wadooyinka xidhan ee caasimada  qashinka  buux dhaafiyey  wadooyinka burburay waqtiga  xili roobaadka  iyo foolxumada  ku gadaaman quruxdii ay lahayd  caasimada hargeisa  waxa u  fiican in moyarka  caasimada hargeisa uu si dhaqso ah uu isku casilo  si bulshada ku  nool hargeisa ay soo doortaan  aqoonyahan masuul ah oo buuxin kara xilka moyarnimada caasimada hargeisa

Moyarka caasimada hargeisa oo ku fashilmay qorshaha nadaafada  caasimada iyo shirkadaha oo kula jira dawlada hoose heshiis qarsoodi  ah  oo aan ahayn waxqabad muuqda

 

Dumsites ceespoll goobaha qashin qubka  qashinka bulaacadaha  oo ay dhaaftay qorshahii  magaalooyinka dhiska iyo deeganka  godadkii loogu talo galay oo buuxsamay  hada qashinkii oo dul iyo hareero hoganaaya buuraha hareeraha biyo mareenada ur fayadhowr xumo  dul hoganaysa maamulada dawlada hoose  ma jiro qorshe waxqabad  iyadoo xili roobadka ay qarka u saaran yahiin  halis caafimaad oo ka timaada waxyeelada qashinkaas

 

Waxa si khaldan loo maamulay qashin qaadistii iyo shirkadihii oo aan aqoon u lahayn ujeedada qashin ururinta iyo waxyeelada caafimaad daro ee ka iman karta  oo u baahan in la darso

 

Xogta  heerka waxqabad ee shirkadaha maaraynta qashinka magaaloyinka iyo  fahan aqoon la anta  dawlada hoose ee dalku ujeedada iyo hatafka ka dambeeya mashruuca ppp public private partnership  ee maraaynta qashinka  shirkadaha iyo dawlada hoose

 

2005 ayey ahayd markii mashruucan lagaga wareejiyey dawlada hoose ee dalka  ujeedadu ma aha in qashinka laga saaro caasimada laguna daadiyo meel ka fog magaalada

Sida uu dhigayo heshiiska shirkadaha qashinka lagu wareejiyey in ay dardar galiyaan shaqadooda nadaafadeed ilaa heer ay kor u qaadayan horumarkooda dhaqaale si loo abuuro nidaam heer qashinka  looga faaidaysanayo  oo leh shaqo abuur baahsan  iyagoo raacaya kuna dhaqmaya  sharciga iyo qawaaninta fayadhowrka qashinka

 

Si loo sameeyo goobaha weelka qashinka dustpin  ee jidadka caasimada  in lagu wacyi galiyo loona sheego bulshada in aan qashin lagu tuurin  meel aan loogu talo  galin

 Sidoo kale in dawlada hoose ee dalku ay  ku daba galaan  shirkadaha la wareegay maaraynta qashinka magaaloyinka  hawshooda shaqo ee lagu siiyey qandaraaska shirkadii kazoo bixi wayda shaqadeeda in  maamulka dawlada hoose ay badaalan una soo bandhigaan qaadasho shirkado buuxinaya  qodobada heeshiisku  dhigayo ma aha in ay heshiis  xaaran iyo laalush shaqo ay ku heshiiyan moyarada dalka  iyo  maamulada shirkadaha

 

Waxa suurto gashay in dhaqaale abuur xoogan uu ka soo xaroodo dadwaynaha ku nool magaalooyinka dalka oo shirkadaha ay ku bixiyaan guri kasta 5 doolar oo ah kharashka qaadista  qashinka

Ma jirto horumar xirfad aqooneed oo ay la yimaadeen maamulka shirkadaha maaraynta qashinka sidoo kale waxa qashinka lagu ururiyaa gaadiid daalay oo aan la isku  halayn karayn  badbaado iyo km socod

Gadiidkas oo u badan gawaadhi dhayne ah  af banana xiliga qashin  rarista qashinkaas oo ku daata jidadka caasimadaha dalka

Ma jirto daryeel caafimaad oo lagula socdo  caafimaad qabka shaqaalaha ka howl gala  shirkadaha oo la siiyo mushahar aan ugu filnayn  shaqada qashinka ururinya ma jirto  toosin iyo tusaale caafimaad sida ay uga badbaadi lahaayeen  qashinka iyo howlihiisa shaqo ama qalab shirkaduhu ay u siiyanin ay ka xidhaan waxyeelada  caafiimad ee qashin ururinta

 

Shirkadaha waxa ku soo xarooda dhaqaale kor u dhaafay milon dollar oo dadwaynahu ay kaga qayb qaatan qashin ururinta magaaloyinka dalka ma jirto  hubin xisaabin waxqabad  ee dakhligaas

 

Qashinka cusbitaalada iyo pharmasiyada  qashinka hadhaaga suntan warshadaha oo loo baahan yahay in loo maamulo sifo sharci oo gaara waxa si fudud loogu dhex daray  qashinkii caadiga ahaa ee kazoo baxayey magaaloyinka dalka  waxa dhacay sumow iyo halis waxyeelo caafimaad ee bulshada iyo deegaanka  waxa dhacda in qashinkaas marmarka qaar lagu  dhex gubo goobaha qashin  qubka ee dump sites oo hada ay dhaafeen dhiskii iyo deegaankii magaaloyinka dalka

Qashinka hadhaaga suntan warshadaha  oo aan loo maamulin nidaam taxadir  sharci fayadhowr waxa uu sababaa in  daadka biyaha roobka ay soo raacdo suntu oo ay biyahi si toos ah ugu dhacaan ceelasha iyo harooyinka aynu ka helo  biyaha aynu isticmaalo khatartan caafiimad waxay  dhaxalsiisay in  ay soo gaadho bulshadii  cuduro sababa caafimaad daro iyo dhimasho xoogan

Foostooyinka suntan warshadaha  laga isticmaalay oo aad ku arkaysid magaaloyinka dalka iyagoo biyo keydin cabis ama dhiska guryaha loo isticmaalayo fahan la an ka haysata bulshada danyarta dadka aan haysan dhaqaale lacageed oo ay ku bixiyaan qashin qaadista guryahoodu  waxa si fudud ugu daadiyaan jidadka iyo biyo mareenada  caasimada oo keeni kara fayadhowr xumo  iyo dhibaato deegan xumo 

Waxa sidoo kale ama dhacda in qashinka ay ku gubaan  meel aan ka fogayn guryahooda  ma jiro qorshe hoos loogu eego arimahaas ilaa moyarada dalka

 

Waxaad aragtaan qashinka oo daadsan jidadka caasimada waqti ay bulshadii adeeganayaa kuna guda jiraan  shaqooyinkoodi  gaarka oo subaxnimo  ma jirto la xisaabtan  iyo maamul dawladeed  oo ku wajahan dhaliisha shaqo ee shirkadaha

 

Waxa meesha ka baxday wada shaqaynta shirkadaha iyo qaybaha arimaha bulshada si loo horumariyo qurxinta bilicda iyo nadaafada jidadka caasimada  ma jirto wacyi galin  fayadhawr  ee shacbiga

 

Waxaad arkaysa iyadoo 9 fiidnimo ay qaadayaan  bulaacadaha booyadaha waqtiyo caways ah oo dadku ay ku guda jiraan shaqooyinkoodi  gadiidka booyadaha oo aanay dawlada hoose la socon  waqtiga ay qaadayan iyo goobta  ay gaynayaan

Waxa kale oo aad arkaysa isla 9 fiidnimo  huteelada cuntada oo biyahii wasakhda ee kaydka ahaa ku daadinaya jidadka caasimada  iyadoo aanay jirin qorshe fayadhowr oo lagula socdo shaqadooda gaarka ah

WQ: Dr Buux

Ibraahin Aadan

Fayo-dhawre madax bannaan

[email protected] 

0634130821

 


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...