Goormee Ayuu Xilka La Wareegayaa Taliyaha Cusub Ee Ciidanka AFRICOM?

0
Thursday August 04, 2022 - 10:23:10 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 758
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Goormee Ayuu Xilka La Wareegayaa Taliyaha Cusub Ee Ciidanka AFRICOM?

    Aqalka Sanate-ka Maraykanka ayaa shalay ansixiyey dallacsiinta Jeneraal Langley.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Aqalka Sanate-ka Maraykanka ayaa shalay ansixiyey dallacsiinta Jeneraal Langley.



Taliska milatariga Maraykanka ee Afrika ee loo soo gaabiyo magacooda AFRICOM ayaa yeelanaya taliye cusub laga bilaabo Talaadada soo socota.


Taliyaha cusub ayaa lagu magacaabaa Jeneraal Michael Langley ayaa noqday sarkaalkii ugu horreeyey ee ka tirsan ciidmaada badda Maraykanka ee madow ah ee gaara darajada Jeneraalka afarta xiddigood leh.



Aqalka Sanate-ka Maraykanka ayaa shalay ansixiyey dallacsiinta Jeneraal Langley.


Taliska AFRICOM ayaa xaqiijiyey in Jeneraal Langley uu xilka kala wareegi doono Jeneraal Stephen Townsend toddobaadka dambe, 9-ka August, magaalada Stuttgart ee Jarmalka.


Taliska AFRICOM ayaa dowladda Soomaaliya ka caawiya la-dagaalanka kooxda Cadowga ayaga oo fuliya duqeymo ka dhan ah kooxdaas, sidoo kalena tababar siiya qaar ka mid ah ciidamada Soomaaliya.


 

Loading...
Loading...