Xukuumadda Muuse Biixi Oo Beenisay Inay Dalka Ka Saarayo Dadka Ajaanibta Ah

0
Thursday August 04, 2022 - 10:24:58 in News by Abdi Good
  • Visits: 1005
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda Muuse Biixi Oo Beenisay Inay Dalka Ka Saarayo Dadka Ajaanibta Ah

    Xukuumadda Madaxweyne Biixi Oo Beenisay Inay Dalka Ka Saarayo Dadka Ajaanibta Ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumadda Madaxweyne Biixi Oo Beenisay Inay Dalka Ka Saarayo Dadka Ajaanibta Ah


Xukuumada Somaliland ayaa beenisay war ay warbaahinta Somali Dispatch, ku sheegtay in xukuumada Somaliland si qasab ah ku masaafurisay 34 qof oo Itoobiyaan ah.


Wasaxaafadeed kasoo baxday Hay'adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Somaliland, ayaa lagu sheegay in dadkan oo ka dhoofay madaarka Cigaal ee Hargaysa, ay si iskood ah u dalbadeen in dalkoodii dib loogu celiyo.


"Waxaanu halkan ka beeninayna war aan sal iyo raad toona lahayn oo mareegta Somali Dispatch kaga been abuurtay xaqiiqda dadkaasi, oo iskood u dalbaday in dalkoodii dib loogu celiyo" ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay hay'adda barakacayaasha.




Loading...
Loading...