Tirada Urur-Siyaasadeedyada Bixiyey Lacagta Cashuurta Ku Waajibtay

0
Thursday August 04, 2022 - 09:55:26 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1566
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tirada Urur-Siyaasadeedyada Bixiyey Lacagta Cashuurta Ku Waajibtay

    156,825000 Shillin (boqol iyo lix iyo konton Milyan, sideed boqol iyo shan iyo labaatan kun shillin).

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

156,825000 Shillin (boqol iyo lix iyo konton Milyan, sideed boqol iyo shan iyo labaatan kun shillin).

Hargeysa (HWN)- Somaliland, doorashada Ururrada siyaasadda ayaa u jihaysatay xaalad dar-dar leh oo loogu diyaar-garowbayo qabsoomideeda, marka la eeggo talaabooyinka ay qaadeen qaar kamida ururrada cusub ee lagu dhawaaqay labadii bilood ee u dambeeyey oo ay tiradoodu kor u dhaaftay labaatan.

 

Marxalada hadda hawsha ururradu marayso, ayaa ah in ay shan urur-siyaasaddeed shubeen ama ay bixiyeen lacagta cashuurta ah ee uu xeerku ku waajibiyey, taasoo uu caddadkeedu dhan yahay 156,825000 Shillin (boqol iyo lix iyo konton Milyan, sideed boqol iyo shan iyo labaatan kun shillin).

 

Sida ay Wargeyska Dawan u xaqiijiyeen saraakiisha xafiiska Cashuuraha beriga magaalada Hargeysa, Ururrada lacagta bixiyey ayaa kala sidan soo socota:

 

Ururka BARWAAQO

 

Ururka WAABERI

 

Ururka KAAH

 

Ururka MIDEEYE

 

Ururka REJO

 

Lacagta ayaa ah mid uu jideeyey Xeerka furista ururrada-siyaasadda ee Xeerlr14/2011, waajibna ku ah in urur kasta oo ka qaybgalaya doorashada tooska ah ee ururradu uu bixiyo, iyadoo lagu bixinayo shuruudo ay kamid tahay in nidaamka lacag bixinta lagu muujiyo wada-lahaanshiyaha aasaaseyaasha ururka iyo sida ay qaadhaanka u wada leeyihiin.

 

Geesta kale, waxa ay todobaadkan bilaabeen ururradu shirweyneyaasha ay ku dooranayaan hogaankooda ku meel-gaadhka ah, taasoo iyaduna ah talaabo kale oo ay ku hinjinayaan gaadhista doorashada tooska ah ee ururrada.

 

Arrimahan, waxay soo yaraynayaan rejada iyo midho-dhalka doodda khilaafka gelisay Doorashooyinka ay ee asxaabta mucaaridku ku doonayaan in laga hor-mariyo Doorashada madaxtooyada, waxaana iminka muuqata in culayska doorasho urur-doonku ka xoog iyo xamaasad badan tahay midda ay xisbiyada mucaaridku ku dhegsan yihiin.


Loading...
Loading...