Habkee Ayaa Loola Macaamilaa Maxbuuska Dagaalka Ama La Isu Dhaafsadaa (Somaliland Vs Puntland)

0
Friday June 07, 2019 - 10:28:30 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1286
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Habkee Ayaa Loola Macaamilaa Maxbuuska Dagaalka Ama La Isu Dhaafsadaa (Somaliland Vs Puntland)

    W/Q/Rashiid Odowaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q/Rashiid Odowaa

Maxbuus dagaal waxa la odhan karaa qof kasta oo lagu qabto dagaal uu qayb ka ahaa ama taageere dhinac loo tirinayo xilliga uu dagaal socdo ama xilliyada ku dhow,marka qofku la qabto ama uu is dhiibo ee uu gacmaha taago waxa la yidhaa xaaladdii cadownimo wuu ka baxay,ama wuxuu isu beddelay la haye oo imika laguma shegi karo askari.



Sida loola macaamilayo diinta Islaamku waxay gaadhsiisay heerka ugu sarreeya,waxana ku waajibaysa in Sakada dadka la siinayo uu ka mid ayahay,dhinaca kalena haddii aynu isla eegno heshiisyada caalamiga ah Axdigii Geneva 1949 waxa uu dhigayaa in la dhowro xuquuqda maxbuuska dagaalka waxa uu dhigayaa sidan hoos ku qoran;-


1)-In maxbuuska dagaalka aan la jidh dilin,inaan loo hanjabin,inaan la yasin inaan dhaawac maskaxda ah loo gaysan.


2)-Waa in lagu war geliyaa Guddiga Laanqayrta iyo bisha cas in maxbuuskaas la hayo,waa hayadda ka shaqaysa arrimaha aadminimo xilliga dagaallada,meelaha ay ka jiraan dagaalladu,waxana loo ogolaanayaa inay xaaladdiisa ogaadaan marka ay u baahdaan.


3)-Waxa la ogolyahay maxbuuska dagaalka in laga qoro magaciisa,darajada uu lahaa xilliga uu ciidankan ka tirsanaa,da’diisa iwm,waxa ka mamnuuc ah in lagu qasbo suaalo ama laga yeedhsiiyo intii la jidh dilay ka dib.


4)-Maxbuuska dagaalka lama ogola in shaqo culus oo aanu karayn lagu dirqiyo,sidoo kale ma banana in isla dagaalka la soo geliyo oo rasaasta la isaga dhigo.


5)-Maxbuuska dagaalku wuxuu xaq u leeyahay in ehelkiisa lala xidhiidhiyo,meel kasta oo ay caalamka ka joogaan ,waxa kaloo uu xaq u leeyahay in fariimaha ama waraaqaha uu dirsan karo,oo laga qaadi karo fariimahana loo keeni karo.


6)-Maxbuuska dagaalku wuxuu xaq u leeyahay,in si naxariis leh loola dhaqmo,in cunto nadiif ah la siiyo oo ku filan,in caafimadkiisa la dhowro.


7)-Guud ahaan maxbuusku wuxu xaq u leeyahay sida aad jeceshay in laguula dhaqmi lahaa haddii sidiisa oo kale laguu qaban lahaaa.

Maxaabiista dagaalka ee la kala hayo waxa la is dhaafsan karaa marka ay dhamaatto,cadaawadda laba dhinac u dhaxaysaa ee nabad la helo,sidoo kale waa la is dhaafsan karaa iyadoo aanay dhamaan cadawaddu oo wali la is hayo.


Faaiidooyin badan ayaa ku jira in maxaabiista si fiican loola dhaqmo,ama la is dhaafsado waxa ka mid ah


1)-Waxay keeni kartaa is faham Siyaasadda ah oo dhex mara labada dhinac aakhirkana heshiis dhalin karta


2)-waxay sare u qaadaysaa adaabta dagaalka iyo aadminimada, dhaqanka Somalida dhinacyo badan oo wanaagsan ayuu lahaa waxa ka mid ahaa Il milig leh,oo loola jeedo ninka lagu qabto dagaalka oo waxa la odhan jiray Cawri ayu leeyahy,waxa ka mid ahaa maganta, waxa ka mid ahaa Biri ma geydo oo qofka abwaanka ah,Culimada,shakhsiyaadka caanka ah lama dili jirin.


3)-waxay Tusaale u noqon kartaa mandaqadda ama gobolka oo nabadgelyo iyo naruuro hela


4)-Waxay beddeli kartaa fikirka guud ee Caalamku ama umadahu ka aaminsanyihiin waddamada,dhaqanka ilbaxnimo la yimaadda itaalka ay doonaan ha lahadeen.


Habka Protocolka ama sagootinta maxabiista waxa ku filan oo wareejin kara Generalka Ciidanka,ee labada dhinac haddise maamuskooda kor loo qaado wax dhib ahi kuma jirto,dhinac kastaaba maxabiista loo soo daayay wuxu u samaynayaa ham maamuus waxana gacanta laga saraa askari kasta qoraal ka tarjumaya in lala qaybsaday dhibta iyo war warka soo gaadhay isaga iyo ehelkiisaba intii nuu xidhnaa,wakhtigii ka lumay iyo dhib kasta oo Jidh ahaan iyo maskax ahaan u soo gaadhay,waxana lagu muujinayaa in qaranku u ogyahay howshas soo gaadhay.


Guud ahaan waan soo dhowaynayaa in Somaliland iyo Puntland is dhaafsaden Maxabiistii dagaalka tuko raq lagu kala qabsaday sanadkii aynu soo dhasafnay iyadoo Somaliland sii daysay (14) maxbuus halka Puntland dhinaceeda ka sii daysay (3)maxbuus,hore waxa u jiray sanadkii 2008 xilligii Dahir Rayale Kahin in Somaliland Sii daysay 79 maxbuus oo puntland ah waxa ku jiray sadex sarkaal Colonel oo kala ahaa Siciid Doob,Dayr iska Toos iyo Cali jaamac, halka ay puntland ay soo daysay 25 maxbuus,maxabiistan oo lagu kala qabsaday Dagaallo ka dhacay Laascaanood,Abeesalay,Sii Xawle.Balli hadhac iyo Widh-widh. Waxan leeyahay waa tallabo geesinimo labada dhinacba,waxayna horseedi kartaa in umadda Somalida ahi ay isu calool fayobaato meel kasta oo ay joogaan.



Rashiid Odowaa M.A diplomacy and IR

[email protected]

063-4101213

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...