Mudaharaad Wuu Dhacayaa, Waana Dastuuri

0
Wednesday August 03, 2022 - 18:19:27 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 848
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Mudaharaad Wuu Dhacayaa, Waana Dastuuri

    W/Q: Naaleeye Nuur

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Naaleeye Nuur

Mar haddii Madaxweyne Muuse Biixi diiday inuu doorasho galo oo kaligii taliye noqday.  Mar haddii uu dhagaha ka fureystay culimo iyo waayeelba,

mudaharaad waa lama huraan wuuna dhacayaa .

 

Madaxweyne Muuse Biixi,  Wasiir M.Kaahin iyo  Taliye dabagalena,  booliska wey adeegsan doonaan sidii caadada u ahaan jirtey.

 

Hadaba, maxaa la gudboon shacabka Somaliland ee doorasho doonka ah iyo axsaabta mucaaridka ah ?

 

1. In madaxda mucaaridku hubiyaan in banaan baxayadu noqdaan kuwo salmi ah,  lana ilaaliyo ganacsiga, amniga, hantida iyo xasiloonida dalka, gaar ahaan wadooyinka la marayo iyo goobaha dadka lagula hadlayo.

 

2. Waa in axsaabta mucaaridku diyaariyaan ugu yaraan 10 kamaradood oo raaca shacabka mudaharaadaya magaalo kasta, si loo duubo loona diiwaan geliyo dhacdo kasta oo tacadi ah oo ciidamada booliska iyo inta amarka khaldan Madaxweynaha doorasho diidka ka qaadata, ay u geystaan shacabka aan hubeysneyn ee sida salmiga ah u banaan baxaya ee diidan muddo korodhsiga.

 

3. Mar haddii la ogyahay in madaxweynaha wakhtigiisu sii dhamaanayo iyo 2diisa Korneyl ay amar khaldan oo sharciga baal marsan siin doonaan ciidanka booliska, waa in la qaataa istraatiijiyada ah:-

 

a)  Tacadi kasta ee loo geysto shacab si salmi ah dareenkiisa u muujinaya, waa in loo aqoonsado qofka amarka bixiyey inuu yahay qof si kas  iyo badheedh ah u weeraray dad shacab ah,  loona diiwaan geliyo in wixii masuuliyad iyo cawaab xumo ka dhasha ay isaga dushiisa tahay.  Madaxweyne Muuse,  Wasiir M.Kaahin iyo Taliye Dabagale iyagaa shakhsiyan loo raacayaa haday tahay qisaas, haday tahay mag iyo haday tahay dhaawac bixinba, maadaama ay yihiin kuwa amarka khaldan bixinaya.

 

b)  In askarigii qaata amarkaas khaldan, wixii uu geysto ay tahay dushiisa iyo naftiisa oo aan loo aaneyn doonin dowlad iyo boolis midna,  haday tahay qisaas, haday tahay mag iyo haday tahay dhaawac uu cid u geystoba.  Waana in la hubiyaa askarigaas qabiilkiisa, qoyskiisa iyo magaciisa si aanu u dhuuman.

 

Somaliland waa dal leh dastuur iyo xeerar,  mana jiri karo qof inta shaadh dowladeed gashada oo dastuurka iyo xeerarka dalka meel iska dhiga,  dadka dil iyo toorjar kula kici kara. Qofku haddii uu sharciga ka leexdo, wuxuu geysto isaga iyo kuwii amaray ayey  gaar u tahay.

 

Sidaas darteed, qof kasta oo bixiya amar khaldan ama geysta fal sharciga banaanka ka ah,  laga bilaabo Madaxweynaha ilaa askariga, isagaa shakhsiyan qaadaya wixii tacadi iyo dhibaato ka yimaada amarkaas iyo falkaas.

 

Booliska Somaliland waxaan leeyahay, in badan ayaad TVyada ka aragteen boolis mareykan ah oo xabsi daa'in ama xabsiyo dhaadheer lagu xukumay, sabab ah inuu ku tacadiyey ama si sharciga baalmarsan u dilay ama u jidhdiley muwaadiniin reer mareykan ah.  Idinkuna kuwaas kama fadli badnidin.

 

 Somaliland waa qabaail isu tagay oo dhistay dal,  samaystay dastuur iyo xeerar, haddii aad inta aad dastuurka iyo xeerarka iska laabtaan aad dadka dhibaateysaan,  waxay la mid noqoneysaa adigoo reer hebel ah oo muwaadin reer hebel ah dhibaato u geystay. 

 

Sidaas darteed, askari kasta oo ciidanka ka mid ah waxaa lagula talinayaa, ha qaadan amar khaldan oo ha noqon gacan ku dhiigle qisaas loo soo xidho ama godob reerkiisa iyo caruurtiisa u soo hooya.

 

Qore. [email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...