"Degdeggu Waa Wedka Damaca" gudoomiye Xinif Oo Ka Waramay Kulankii Ugu Horeeyey Ee Maxamed Kaahin Iyo Maxamuud Xaashi

0
Wednesday August 03, 2022 - 10:37:43 in News by Abdi Good
  • Visits: 2741
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Degdeggu Waa Wedka Damaca" gudoomiye Xinif Oo Ka Waramay Kulankii Ugu Horeeyey Ee Maxamed Kaahin Iyo Maxamuud Xaashi

    "Degdeggu Waa Wedka Damaca" gudoomiye Xinif Oo Ka Waramay Kulankii Ugu Horeeyey Ee Maxamed Kaahin Iyo Maxamuud Xaashi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Degdeggu Waa Wedka Damaca" gudoomiye Xinif Oo Ka Waramay Kulankii Ugu Horeeyey Ee Maxamed Kaahin Iyo Maxamuud Xaashi

May be an image of 2 people


Q-3AAD- DEGDEGGU WAA WEDKA DAMACA. Kulankii 1aad ee M. Kaahin & M. Xaashi.

Kulankani waxa uu ka dhacay guriga Axmed Siilaanyo, waxaa uu ahaa kulan u dhacay qaabilaad ay ku lamaanayd ixtiraam, is calool xaadhasho iyo is xaqdhow.

Waxa loo gudbey dulucdii kulanka oo ku fadhiyey ujeddadii aan hore u soo sheegay.

Isagoo kusoo gebegeboobey si kal furnaan iyo daacadnimo ka muuqato.

Waxaan aaminsanaa welina aaminsanahay in wixii lays yidhi, sidii laysu qabiley iyo wixii lagu ballamayba ay daacadnimo iyo run ka ahayd dhinacyada.
Ugu danbayntii iyo gebagebadii ayaa la isla in dariiqii shaqada (Road Map) la samaysto, uguna horrayso in dad intan ka badan oo labada dhinac ahi kulan isugu yimaadaan, mar labaadkana iyadoo la dhanyahay loo tago madaxweynaha si loo wargeliyo.

Intaa wixii ka danbeeyana la guda galo ururinta deegaanka xoojinta Xisbiga Kulmiye.

Maxamuud waxa uu codsaday inuu safar Burco ah tegayo maalmo yarna ku maqnaan doono soo noqodkiisana kulankaasi qabsoomo, dhiniciisa ragga la socda qaarkoodma uu soo qanciyo, taas oo lala qaatay.

Bilowgii dhaqdhaqaayagaba waxa na dhinac socdey dhaqdhaqaaq kale oo la xidhiidha sidii dedaalkayaga loo banjarin lahaa, isku daygaas waxa wadey rag aan raalli ka ahayn xiisana aan u hayn ururinta aannu bilownay, Maxamed iyo Maxamuud mid walbana u sheegayey in ka kale xisbiga loo wado oo isaga meesha laga saarayo, laakiin nasiib wanaag labadooduba waxay ahaayeen rag na og, nagu qanacsan, na aaminsan, isla markaana aan rumaysnayn waxan loo sheegayo, waan uga mahad naqaynaa dareenkaa wanaagsan ee ay naga qaateen xaqiiqdana ahaa.
Maxamuud waxa uu tegey Burco, wuuna soo noqday,

MAXAA DHACAY HADDABA WAA HALKII UU IS BEDDELKU KA BILAABMAY, IYO SAFARKII JIHADA BEDDELEY.
La soco qaybta 4aad.

Loading...
Loading...