Xukuumadda Muuse Biixi Oo Xasarad Ay Ku Qaybinayso Beelaha Togdheer Wada-dega U Waariday Burco.

0
Wednesday August 03, 2022 - 10:12:07 in News by Abdi Good
  • Visits: 1298
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda Muuse Biixi Oo Xasarad Ay Ku Qaybinayso Beelaha Togdheer Wada-dega U Waariday Burco.

    Xukuumadda Muuse Biixi Oo Xasarad Ay Ku Qaybinayso Beelaha Togdheer Wada-dega U Waariday Burco.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumadda Muuse Biixi Oo Xasarad Ay Ku Qaybinayso Beelaha Togdheer Wada-dega U Waariday Burco.

No description available.



Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa burburkii ku yimi heshiiski Jeeganta ee ay Xukunka kutimi kadib waxay u biyaysatay sidii ay xasarad u kala dhex dhigi lahayd beelaha wada dega Gobolka Togdheer. Wasiirada Xanaanada Xoolaha Siciid Sulub Maxamed, arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed iyo Wasiirka Biyaha Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexan) ayaa fuliyayaal ka ah mashruuca xasaradaynta Burco.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Siciid Sulub Maxamed oo isagu ah abaanduulaha qorshahan dhagaraysan ayaa wuxuu magaalada Burco kula shiray xubno uu hoggaaminayo Badhadaab ku-xigeenka Gobolka Togdheer Maxamuud Xasan Jaamac (Xoday) isagoo ku wargaliyay inuu Galbeedka Burco ka dhisaayo kawaanka gawraca Xoolaha oo ay gaar u yeelan doonaan degaanka Galbeedka Burco, iyadoo kawaanka xooluhu hore ugu yaalay magaaladda kaas oo ku filnaa dhamaan Dadka degaan Burco.

Sidoo kale waxa nidaam an sharci ahayn awoodi wakaalada Biyaha iyo biyo galinta magaalada loo hoosgeeyay Ganacsade Saleebaan Kulul oo kamid ah ganacsatada Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ku xidhan.

Talaabooyinkan ayay Xukuumadda Muuse Biixi uga danleedahay inay kala shaki iyo naxli dhex dhigto shacabka Rer Burco, iyadoo kaga gal galanaysa dareenka mucaaridnimo ee Beesha bariga Burco sida wayn u muujisay muddooyinkii u danbeeya

Loading...
Loading...