Waa Maxay Shaqadda Digsi Xagato ( Abdi-Shotaly).
Maanta waxan u soo qaatay qalinka, Kuwo ay ku adeeg-taan labadda askari
ee " Raggii ma adigaa ka
hadhay" kuwaas oo loo maqaar saray
Beel kasta oo somaliland ka mid ah, noocaas sidaas ah oo aan anigu idhaaho
magaca " Golaha Shimbarayahaw Heesa" waa kuwa ka daba sacab tuma,
malaha idinku waxad u taqaanaan " Golaha wasiiradda" hadaan isku dayo
in aan idiin yara taab-taabto qaar ka mdi ah oo aan tusaale idiin siiyo, ilayn
maba dhamayn karno'e, waxa ka mid ah ka loo maqaar saaray Dhulbahante ee
askariga u kooraysan, Bakhti dhego-weyn ( waa ina Sulube) oo loo adeegsado
Garxajis, Xinif Oo isna Habar-Jeclo loo diro, Cabdalle Abokor isna magaca Awal
ku ceesha, Geenyo shaaximan oo kaba dameer uu u geliyey askariga uu u raran
yahay, Kitaab yare ( Waa Albaaniye)
Hbar-Yoonis) iskaga dhiga wadaad iyo qaar kaloo badan, ee bal ku soo dhawaadda,
in yar oo ka hadlaysa Digsi Xagato waa tane:-
Dibna-heeda waxa dhaafayee, gelaya daankeeda, ayey doqoni eexaysataa, dux u taqaanaaye, ma og-tahay ninkii doora baa, hadalku deeqaaye, ma og-tahay susuur daahan baa, dabinku yaalaaye, ma og-tahay dadnimo wuu ka tegay, ruux duuf-laal ahi, ma og-yahay dameeraha sidood, duufka loo tuuro, dulinmo Inuu qaayiboo, loo dirayo reer-kiisa, oo duunyo uu siistay, wixii dilay damiir-Kiisa, dareen-kiina uu kaba dhinto, nacab la daawaysto, Digsi Xagato iyadaa is dooxdaye, doqonay yeel-kaaga.
Akhristaw awxa jira iyana qaar siddii Xuunshaddii ku dul meeri jirtey raq dugaag cunaayo ah, oo duufka hadhay sii feen-feenta, kolka habar-dugaag ka fullo, markaan intaa sare qoran meel ku tiirino, waxay ahayd Murti Somaaliyeed " Haadba -haad kici, oo haweeyaa yimiye" Waxa kuwaas ka sii liita, oo hoos ka sii xiga digsi xagato, koox kale oo iyana wax loogu siii dhiibo kuwa sare aan ku carabaabay, ee la baxay magaca cinwaanka ku yaala. hadaba kuwan waa qaar iyaku loo isticmaalo in ay u kala qaybi-yaan ama u kala jebiyaan beelaha ay ka soo jeedaan, sidda kuwa loo direy in ay Ucid Iyo Wadani lugta u qabtaan " Labadda Askari" Una kala jebiyaan beela-hood, si aanay u soo bixin Musharaxiinta Garxajis ee hadda jiraa ( Waa Cirro iyo Faysale), Waxa ka mid ah Ka uu futadda ka galay Askarigu ee La yidhaaho " Daba-gale " Daamur, Dr Khal-khal, Ina Murjin Madoobe, Prof. Micna-yare, Xildhibaanadda kala ah Ahmed Khasaare ( Waa ka reer Xuseene) Qodox, Ina Guun, Jmaal" Ku darsa oo muwaadin, Buuniga (Samaroo), Cabdilaahi geel jire ( Oo Arab ah), laga hor geeyey Xasan Ciise Jaamac si aanu urur u furan, Xagla-toosiye ( Dhulbahante), Catoosh-ka (Dhulbahante), Ramaax sakhraan ( Awal), Kii hiliblaha ahaa ee Xasan Shahar, Ina Caga-weyne ( Garxajis) Ina Maama-Malyuun ( Garxajis), Ummad yahay lama soo koobi karo Hawlaha lagu mashquuliyey " Didsi Xagato" ee intaas ku taamilo qaata ina hor tuban hadh iyo habeen-ba.
Isku soo duub oo waxan ku dabray maqaalkan, " Digsi Xagato" Wax kale looma samaysan, shaqo kale-na looma dirin, ee adiga baa laguu soo direy siddii ay adhaxdda kaaga jebin lahaayeen, Murti baa waxay ahayd " Geed-yahaw, haddii aanay qayb iga mid ahi kula socon imaad goyseen" waa sidaase, qaar magaca kula sheegta oo xabaasha laguu qodaayo, loogu soo dhiibo mandaraqa iyo majarafadda lagugu dilaayo, baad soo dhawaysataa. Hantidda ummadu ka bakhti-yeyso ee haraad iyo macaluuli dhamaysay, in waxoodda ay boobayaan inta meesha isku koobtay, siddii ay ugu xil qarin llahaayeen baa biilka loo siiyaa, adigana been laguugu maali lahaa iyo isku jifo baanu nahay aanay wax-ba ka jirin, waxna kuugu qabanayn, kuwaas oo dhamaan-tood ah cadaw uu mid-ba mid ku sii dul nool yahay, adigana isku meel kaa taagan, kala xad-kaaga baa loo bahoobay iyo isku dirka beelaha Somaliland, waayo waxa lagaa ilaalinayaa in aynu midawno, sababta oo ah dan baan ugu jirin inta caloosha ka xoqata iyo injirta ku sii hoos nool, bal ogaw haddii aynu meel wadda marno, oo aynu nidhaahno siddii bahalkii " Yuur-Yuur" Iyaka bay u dhamaanaysaa, sidaas awgeed waxa loo samaystay kala dil-kaaga iyo in aynaan isku duubni wax u wadda qabsan, waana arinta ay geed sare iyo mid hoose-ba u fuuleen labadad askari. waxan ku soo xidhay akhristaw tallo adiga bay kuu taalaa, ee kala dooro in laguu dhameeyo iyo in aad adigu isi sii kabo raacisid.
* N.B Dibna-Heeda Waxa Dhaafayee, Gelaya Daan-Keeda, Ayey Doqoni Eexaysataa, Dux U Taqaanaaye,
Qore:- Abdi-Shotaly.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!