Degdeggu Waa Wedka Damaca. Qaybta 3aad.

0
Wednesday August 03, 2022 - 09:25:08 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1038
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Degdeggu Waa Wedka Damaca. Qaybta 3aad.

    Kulankii 1aad ee M. Kaahin & M. Xaashi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulankii 1aad ee M. Kaahin & M. Xaashi.

Kulankani waxa uu ka dhacay guriga Axmed Siilaanyo,  waxaa uu ahaa kulan u dhacay  qaabilaad ay ku lamaanayd ixtiraam,  is calool xaadhasho iyo is xaqdhowr.



Waxa loo gudbey dulucdii kulanka oo ku fadhiyey ujeddadii aan hore u soo sheegay.

Isagoo kusoo gebegeboobey si kal furnaan iyo daacadnimo ka muuqato.

Waxaan aaminsanaa welina aaminsanahay in wixii lays yidhi, sidii laysu qaabiley iyo wixii lagu ballamayba ay daacadnimo iyo run ka ahayd dhinacyada.


Ugu danbayntii iyo gebagebadii ayaa la isla gartay in dariiqii shaqada (Road Map) la samaysto, uguna horrayso in  dad intan ka badan oo labada dhinac ahi kulan isugu yimaadaan, mar labaadkana iyadoo la dhanyahay loo  tago madaxweynaha si loo wargeliyo.


Intaa wixii ka danbeeyana la guda galo ururinta deegaanka  xoojinta Xisbiga Kulmiye.

Maxamuud waxa uu codsaday inuu safar Burco ah tegayo maalmo yarna ku maqnaan doono soo noqodkiisana kulankaasi qabsoomo, dhiniciisa ragga la socda qaarkoodna soo qanciyo, taas oo lala qaatay.


Bilowgii dhaqdhaqaayagaba waxa na dhinac socdey dhaqdhaqaaq kale oo la xidhiidha sidii dedaalkayaga loo banjarin lahaa, isku daygaas waxa wadey rag aan raalli ka ahayn xiisana aan u hayn ururinta aannu bilownay, Maxamed iyo Maxamuud mid walbana u sheegayey in ka kale xisbiga loo  wado oo isaga meesha laga saarayo, laakiin nasiib wanaag labadooduba waxay ahaayeen rag na og, nagu qanacsan, na aaminsan, isla markaana aan rumaysnayn waxan loo sheegayo, waan uga mahad naqaynaa dareenkaa wanaagsan ee ay naga qaateen xaqiiqdana ahaa.


Maxamuud waxa uu tegey Burco, wuuna soo noqday,


MAXAA DHACAY HADDABA WAA HALKII UU IS BEDDELKU KA BILAABMAY, IYO SAFARKII JIHADA BEDDELEY.


La soco qaybta 4aad.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...