Diin Dhaawac Ah Oo Kala Xayiray Labo Magaalo Oo Ka Tirsan UK

0
Wednesday August 03, 2022 - 08:33:43 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 980
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Diin Dhaawac Ah Oo Kala Xayiray Labo Magaalo Oo Ka Tirsan UK

    "Tareenka waxa uu u habsaamay sabab la xiriirta Diidiinka wayn ee Afrika laga helo"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Tareenka waxa uu u habsaamay sabab la xiriirta Diidiinka wayn ee Afrika laga helo"

Diidiin aad u wayn ayaa hakad geliyay tareenno kaddib markii la arkay isagoo ku socda waddadii tareennada.

Xayawaankan oo dhaawac ah ayaa laga helay meel u dhow waddada Harling oo ku taalla dhinaca waqooyiga-bari ee xaafadda Thetford oo ka tirsan deegaanka Norfolk.



Halkaas waxaa mara waddada tareennada ee isku xirta magaalooyinka Cambridge iyo magaalada Norwich, taasoo uu gebi ahaanba uu isu socodkeeda xayiray diidiinkan.


Shirkadda tareennada ee Greater Anglia ayaa shegetay in ilaa saddex khad oo gaadiidkaas ay isticmaalayeen ay saamayntu gaartay kaddib markii uu meesha waddada marin ka dhigtay Diinka


Xaywaankan ayaa la sheegay in uu lumay maalintii Axadda, haddana loo qaaday xarun xayawaannada lagu xannaaneeyo. Waxaa laga dawaynayaa dhaawac kasoo gaaray tareen ku dhacay.


Xarun lagu iibiyo xayawaanka la dhaqdo ayaa sheegtay in in diinka uu qolofka ka dillaacay marka uu tareenka ku dhacay.


Wariyaha BBC-da, Nic Rigby, ayaa ka mid ahaa rakaabka tareen kale oo ka yimid magaalada Cambridge kuna sii jeeday magaalada Norwich, balse u xayirmay Diinkaas dartiis.


"Tareenka waxa uu u habsaamay sabab la xiriirta Diidiinka wayn ee Afrika laga helo oo ka xayiray khadkii uu mari lahaa," ayuu yiri wariyaha.


"Maamulihii safarka tareenka ayaa rakaabka ku wargeliyay in in uu aamini waayay arrinta dhacday - balse ay tahay wax run ah."


Afhayeen u hadashay shirkadda tareennada ee Greater Anglia ayaa tiri: "Waan ka xunnahay hakadka la geliyay dadka macaamiisha ah ee galabta u kala safrayay magaalooyinka Norwich and Cambridge.


"Xaaladdaas waxaa sababay Diidiin wayn oo dhaawac ah oo ku socday waddada Harling. Shaqaalaha isku xirka tareennada ayaa u gurmaday xayawaanka. Howlihii socdaalkana dib ayay u furmeen."


Waxa ay intaas ku dartay in labo tareen la baajiyay markii ugu horraysay, mid kalena uu dib u dhacay 20 daqiiqo.

 

BBC

 

Loading...
Loading...